Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Daba-gale oo Guulo Waxku ool ah Mudo kooban ku Gaadhsiiyey Ciidamada Booliska JSL. Warbixin.

0
Wednesday February 17, 2021 - 01:51:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Daba-gale oo Guulo Waxku ool ah Mudo kooban ku Gaadhsiiyey Ciidamada Booliska JSL. Warbixin.

    Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Daba-gale oo Guulo Waxku ool ah Mudo kooban ku Gaadhsiiyey Ciidamada Booliska JSL. Warbixin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Daba-gale oo Guulo Waxku ool ah Mudo kooban ku Gaadhsiiyey Ciidamada Booliska JSL. Warbixin.
Hargeysa(Xogreebnews)- Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi "Dabagale”, oo mudo kooban hayey hoggaanka Ciidamada Booliska, ayaa ku guulaystay isbedelo Horumarineed oo u gaadhsiiyey Ciidamada Booliska.
Is bedelada uu hormuudka ka yahay Taliye Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi "Dabagale”, ayaa waxa kamid ah inuu tayey, isla markaana kobciyey aqoontooda la xidhiidha bulsho la dhaqanka iyo ku shaqaynta cadaaladeed ee Bulshada, gaar ahaana waxa uu Taliye  Daba-gale si weyn oo ku ilaaliya Saldhigyada Xaafadaha Magaalooyinka waaweyn iyo guud ahaan dalkaba, inay nidaam cadaaladeed oo ka fog tacadi, eex iyo Laalush ugu garsooran dacwoodayaasha Bulshada. 
Sidoo kale, Taaliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi "Dabagale”, waxa uu mudadii uu xilka hayey si weyn ula dagaalamay, isla markaana geed-dheer iyo mid gaaban-ba u fuulay la dagaalanka Mukhaadaraadka ay kamid yihiin Xashiishada iyo Khamriga, waxana Guri iyo goob kastaba ku raacdeeyan Ciidamada Booliska Somaliland maandooriyaashaas oo sannooyinkii u dambeeyey baro-ba'an ku haya Bulshada, iyadoo uu hada hoos-u-dhac ku yimi, hadana Ciidamada Booliska Somaliland waxay dabo-gal iyo baacsi ku hayaan cid kasta oo mukhaadaradyadaas ka gacanstada.
Geesta kale, Taliye Daba-gale waxa uu ku guulaystay inuu kobciyo aqoonta Hoggaanada Ciidamada Booliska iyo baadhayaasha kala duwan iyo guud ahaan hab-dhaqanka guud ee Ciidamada Somaliland, kuwasoo uu ku lal-yey inay Bulshada u maxariistaan, isla markaana ula dhaqmaan habka ugu  wanaagsan ee loola dhaqmo bulsho. Sidoo kale Taliye Daba-gale mudadii uu ahaa hoggaanka guud ee Ciidamada Booliska Somaliland, waxa uu ku guulaystay inuu meesha ka saaro cabashadii ka iman jirtay dhinaca dadweynaha ee kasoo yeeshi jirtay Shacabka, waxanu taas bedelkeeda ku dhigay inay wada-shaqeeyan Ciidamada Booliska iyo Shacabku, isla markaana meel uga soo wada-jeestan cid kastoo amniga dalka waxyeelaynaysa. La soco qaybaha Dambe. 
Xogreebnews.com 
Office Hargeysa/Somaliland. 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured