Buuga uu qoray Amb Hussein Ali Duale ( Cawil ) ee raad-raaca taariikhda soomaaliyeed ( Footprints on somali history). Qalinkii Maxamed Dhimbiil
Buuga uu qoray Amb Hussein Ali Duale ( Cawil ) ee raad-raaca taariikhda soomaaliyeed ( Footprints on somali history). Qalinkii Maxamed Dhimbiil
Buugani waxa uu ka kooban yahay 450 bog oo u qoran si wanaagsan oo farshaxanimo iyo afsoomaali lawada fahmi karo ah , buuga inta ka horeysa qaybta 5naad oo aan marayo hadda bilowgeedii qoraaga buuga Ambassador Cawil aad ayuu ugu nuux-nuuxsaday waayo aragnimadii iyo waxii uu soo joogey.
Ambassador Cawil waxa qaybta uu buuga ku bilaabay marka hibeynta ,mahadnaqa iyo gogoldhiga buuga laga yimaado, taariikhdiisii dhalaanimo iyo laba magaalo oo taariikhda soomaalida ku weyn xasuustood, waa magaalada Hargeisa iyo magaalada Jigjiga, dadkii ay wada koreen odayadii waaweynaa ee muxtarimka ahaa xiligaasi iyo sidii dadku isku jeclaa.
Waxa xiga xornimadii 26 june 1960 kii , is raacii Somaliland iyo Somalia iyo sida uu ku yimid qorshihii Soomaaliweyn ee keenay in Somaliland iyo Somalia isku biiraan oo ay noqdaan Jamhuuriyadii Somalia , saamigii ay reer Somaliland ka heleen baarlamaankii Somalia, Aftidii dastuurka ee tijaabadii koowaad 1961kii.
Waxa xiiso gaar ah leh qaabka uu uga waramay inqilaabkii ka dhicisoobay 1961 sidii loo soo daayey, qaabka iyo ujeedooyinkii uu inqilaabku lahaa, halka ay wax ka xumaadeen, dareenkii dadkii reer Somaliland ee xiligaasi ee hungowgii dawladii soomaaliyeed iyo in gabi ahaanba dadka Somaliland laga qadiyey derajadii iyo dawladnimadii la isku darsaday.
Waxa xiga markii loo badelay wasaarada arimaha gudaha oo uu wasiir ka ahaa cabdiqadir Soobe , iyo markii uu noqday Gudomiyaha Degmada Ceel buur , sidii uu dadka deegaankaasi isku dhex galeen cuqaasha, waxgaradka iyo qoor weyntii beelihii degmadaasi deganaa ,waayo aragnimadii uu halkaasi ka helay .
Waxa sidoo kale cajaaib ah markii uu Maxamed Ibrahim Cigaal uu u noqday gacan yaraha ee kaambaynkii doorashadii 1967 kii iyo waliba hab dhaqanka siyaasada soomaalidu u shaqeyso marka doorashooyinka oo marka aad dhuuxdo ah mid ilaa maanta sidaasi uun ah oo aan waxba ka duwaneyn.
Markii uu Raisal wasaare Cigaal iyo Madaxwayne Cabdirashiid Cali Sharmarke guuleysteen sidii loo geeyey wasaarada arimaha dibada isaga iyo xubnihii inqilaabkii 1961kii kula jiray intoodii badnayd oo dhamaantood ahaa reer Somaliland ,
Qaybaha ugu muhiimsani waa kulanadii uu la yeeshay Maxamed Siyaad Barre oo ahaa qaar faham kaa siinaya M.S.Barre qofka uu ahaa , waxa u jeclaa , sida siyaasadiisu u shaqeyn jirtay, samirkiisii badnaa , waxyaabaha uu dadka ku tixgalin jiray, iyo in aanu aheyn shaqsi ilooba abaalka loo galo.
Buugani waxa ku jira dhacdooyin badan oo xiligii kacaanka dhacay oo ay ka mid yihiin dilkii saraakiishii inqilaabka isku dayday ee Col Salad Gabayre hogaaminayey, in si qaldan loogu daray Gen Maxamed Caynaashe oo aan inqilaabka isagu ku jirin, habkii kacaanku u shaqeyn jiray iyo hadba sidii uu isku badelayey.
Buugani waxa uu sawir kaa siinaayaa shaqada dawladu habka ay u shaqeyso xafiisyada siyaasadeed kuwa diblomasiyadeed iyo kuwa ciidankuba, waxyaabaha aanad kaga xiiso goynayn ayaa ah in uu ka waramayo taariikh uu u soo joogey dhacdooyin wada layaab ahaa oo dhacay.
Waxa kale oo buugu faham buuxa kaa siinayaa shaqada danjirenimada ( Ambassador) iyo sida ay u shaqeyso diblomaasiyadu, kaalinta safiirka kaga beegan dhacdooyinka dalka uu danjirenimada u joogo iyo siyaasadiisa.
Xidhiidhka danjireyaasha iyo madaxweyneyaasha, wasiirada iyo hay'adaha nabad sugida oo uu si waafiya buuga uu si fiican ugaga sheekeeyey dhacdooyin iyo qisooyin xiligaasi joogay oo wada xasaasi ahaa.
Qaybta uu ka sheekaynayo taariikhda SNM oo ku jirta qaybta 5naad ee buuga oo ah " dib u soo noqoshadii Somaliland " , cinwaankuna yahay " Curashadii halgankii hubeysnaa ee SNM "
Waxa ku jira qaladaad sida aan taariikhda ku hayey qaladaadkaasi oo ah ;
1- SNM shirweynihii koowaad ee London 6 April 1981 iyo dadkii ku dhawaaqay iyo gudigii lagu doortay waa ay ka maqan yihiin .
2- Shirweynaha labaad ee SNM April 1982 waxa aan anigu taariikhda ku hayey in Gudoomiye loo doortay Axmed Jimcale , halka uu qoraaga buugu ku sheegay Sheekh Yusuf Cali Gurey sh madar.
3- Shirkii SNM ee 1983 oo ay ahayd in uu April dhaco qoraagu waxa uu ka dhigay in shirkaasi qabsoomay July 1983 oo mar labaad loogu doortay Sheekh Yusuf Cali Gurey Sheekh Madar , sida aan taariikhda markani waa sax oo Sheekh Yusuf baa gudomiye ahaa , Cabdiqadir kozar na ku xigeen buu u ahaa laakiin taariikhda ayaa qalad ku jiraa.
4- Mar kale hadana waxa qoran 1983 Nov ayaa loo doortay Gudoomiye Cabdiqadir koosaar halka ku xigeenana loo doortay Mohamed Kaahin iyo Aden Shiine , halkani waa markii iigu horeysay ee aan taariikh ku arkay in Muj Maxamed Kaahin iyo Muj Aden Shiine in ay noqdeen Gudoomiye ku xigeeno SNM.
Laba goor oo Axmed siilaanyo la doortay oo min 2 sano ahaa Aug 1984 iyo Maŕch 1987 iyagu waa sax laakiin halka bilaha shirarkaasi qabsoomeen ma hubo in ay sidan sax ku yihiin iyo in kale .
Shirweynaha 7aad ee SNM oo ahaa April 1990 waxa la doortay Muj Cabdiraxman Axmed Cali oo Gudoomiye ah iyo Muj Xasan Ciise Jaamac oo Gudoomiye ku xigeen ah , oo halkanina waa sax sida aan taariikhda ku hayey.
....la soco Leave a comment |
|
Buuga uu qoray Amb Hussein Ali Duale ( Cawil ) ee raad-raaca taariikhda soomaaliyeed ( Footprints on somali history). Qalinkii Maxamed Dhimbiil
Buuga uu qoray Amb Hussein Ali Duale ( Cawil ) ee raad-raaca taariikhda soomaaliyeed ( Footprints on somali history). Qalinkii Maxamed Dhimbiil