WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO. Taariikh nololeedka gudoomiye ku xigeenka afraad ee xisbiga Kulmiye. Qalinkii Maxamed Dhimbiil

0
Saturday February 20, 2021 - 00:23:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO. Taariikh nololeedka gudoomiye ku xigeenka afraad ee xisbiga Kulmiye. Qalinkii Maxamed Dhimbiil

    WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO. Taariikh nololeedka gudoomiye ku xigeenka afraad ee xisbiga Kulmiye. Qalinkii Maxamed Dhimbiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO. Taariikh nololeedka gudoomiye ku xigeenka afraad ee xisbiga Kulmiye. Qalinkii Maxamed Dhimbiil
Maxamuud Xasan Sacad "Saajin”  wuxuu ku dhashay  Jigjiga sannadku markuu ahaa 1949 kii waxa uu dugsiga hoose ,Dhexe iyo sare ku qaatay  Dugsiyadda Qolujeed,Sheekh iyo Camuud ee imika loo yaqaan Jamaacadda Camuud.
Waxa uu Jamaacadda ka baxay Jamacadii Muqdisho ee la odhan jiray SIDAM 1974-1977 Wuxuu dalka uga baxay dibedda 1978  isagoo  qaatay Master in Financial analysis London Business School , Wuxuu shaqo ka bilaabay Shirkadda Shidaalka ee ZADCO "Zakum Development Oil Company” ee dalka UAE qaybta xisaabaadka "Senior Accountant” Muddo dhan 38 sanno.
AASAASKII JAAMACADDA CAMMUUD IYO NABADAYNTII DALKA 
Xubin firfircoon oo ka mid ahaa aqoonyahanaddii ka qayb qaatay  shirarkii dhismaha iyo nabadayntii dalka 
Xubin firfircoon oo ka mid ahaa aqoonyahanaddii ka shaqaynayay Khaliijka ee hindisay aasaaska Jaamacadda Cammuud sannadkii 1996-kii. 
Xubin firfircoon oo ka tirsanaa farracii Imaaraatka Carabta ee Midoobay ee sida mugga leh uga qaybqaatay qaadhaan ururrintii Jaamacadda Cammuud. 
Xubin ka soo qayb qaatay hirgalinta nidaamka xisbiyadda ee Soomaaliland. 
Xubin ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee  KULMIYE tan iyo 2012-kii
Markii xisbigu talada dalka ku guulaystay mar labaad sannadkii 2017 loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga,Warshadaha iyo Dalxiiska oo ilaa haatan uu yahay.
Xigasho; Maal media production. 
Saajin waxa uu noqday shaqsi saameyn weyn ku yeeshay siyaasada xisbiga kulmiye iyo Gobolka Awdal waxaana cadeyn u ah waxa uu isu taagay kursiga Gudoomiye ku xigeenka 4aad ee xisbiga oo uu Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ahaa isaga ayaana helay Oct 6 2020.
Hada waxa uu yahay Gudomiyaha gudiga kala xulista xubnaha xisbiga kulmiye uga tartamaya goleyaasha wakiilada iyo deegaanka gobolada Galbeedka Somaliland .
Wasiir Saajin waxa lagu wadaa in uu noqdo Murashaxa Madaxwayne ku xigeenka xili doorasheedka labaad ee Madaxwayne Biixi marka uu dhamaado mudo xileedkiisa koowaad oo ku eeg 13 Dec 2022 .


Muxamed Dhimbiil


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured