Muwaadin Dooro Aqoonyahan, Musharax Xildhibaan Baarlamaan Yaasin Xasan Cabdilahi oo u Sharaxan golaha Wakiilada JSL Gobolka Maroodi-jeex.

0
Saturday February 20, 2021 - 12:52:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Dooro Aqoonyahan, Musharax Xildhibaan Baarlamaan Yaasin Xasan Cabdilahi oo u Sharaxan golaha Wakiilada JSL Gobolka Maroodi-jeex.

    Muwaadin Dooro Aqoonyahan, Musharax Xildhibaan Baarlamaan Yaasin Xasan Cabdilahi oo u Sharaxan golaha Wakiilada JSL Gobolka Maroodi-jeex.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadin Dooro Aqoonyahan, Musharax Xildhibaan Baarlamaan Yaasin Xasan Cabdilahi oo u Sharaxan golaha Wakiilada JSL Gobolka Maroodi-jeex.
Hargeysa(Xogreebnews)-Aqoonyahan Yaasin Xasan Cabdilahi, waa Musharax Xildhibaan Baarlamaan oo ka sharaxan Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaana Xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Musharax Xildhibaan Baarlamaan Yaasin Xasan Cabdilahi, waa hayin-biyo-ma daad-she ah, oo ay isku raacday Musharaxnimadiisa Beel-weynta Ciise Muuse ee Gobolka Maroodi-jeex, kuwasoo la-tashi badan, kadib u gartay inuu xilkaas kasoo bixi karo, isla markaana ku haboon yahay Musharax Xildhibaan Baarlamaan Yaasin Xasan Cabdilahi.
Musharax Xildhibaan Baarlamaan Yaasin Xasan Cabdilahi, waa Mudakar, aqoon u leh, sharci dejinta golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, waxanu diyaar u yahay hadii Ebbe idmo inuu Umada Somaliland u soo saaro sharciyo Faa'iido u leh Bulshada, kuwasoo ka turjumaya danahooda aas-aasiga ah.
Musharax Xildhibaan Yaasin Xasan Cabdilahi, waa shaqsi qadarin badan, oo qofka ay is bartaan aanu ka Xiiso go'ynayn, waana Musharaxa ugu taageerada badan Musharaxiinta golaha Wakiilada JSL ee Gobolka Maroodi-jeex, waxana uu Taageero lexaad leh ka haystaa guud ahaan degmooyinka Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo deegaanada Hoosyimada ee GobolkaMaroodi-jeex. Sidoo kale, Musharax Xildhibaan Baarlamaan Yaasin Xasan Cabdilahi waxa uu Taageero weyn  la garab joogta dhalinyarada  hada iyo kuwii hore ee ka aflaxay dugsiga 26-ka Juun iyo weliba Xaafada Gol-jano. Maadaama oo u ahaa shaqsi si weyn uga qayb-qaatay dib u dhiska iyo dayactir Dugsiga oo hore uga aflaxay aqoontiisa.
Sidoo kale, Musharaxnimada Xildhibaan Yaasin Xasan Cabdilahi waxa si weyn u taageertay beelweynta Harti ee  ku nool Magaalada Hargeysa, waxanayna si aan kala hadh lahayn u sheegeen inay Codkooda iyo cududooda ku midaynayaan Musharaxa, isla markaana aanay u kala hadhi doonin. La soco qaybaha dambe ee ku saabsan Waayo aragnimada iyo Taarikhda Musharax Xildhibaan Yaasin Xasan Cabdilahi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured