Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Munaasibadda Xuska Maalinta Dhalinyaradda Somaliland

0
Saturday February 20, 2021 - 13:38:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Munaasibadda Xuska Maalinta Dhalinyaradda Somaliland

    Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Munaasibadda Xuska Maalinta Dhalinyaradda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Munaasibadda Xuska Maalinta Dhalinyaradda Somaliland
Hargeysa-20-02-2021-(Xogreebnews)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa saaka ka qayb-galay Xuska Maalinta Dhallinyarada Somaliland ee (UFO) oo sannad walba laga xuso Dalka  20-Febraury-1982 Maalintii Dhagaxtuurka ay sameeyeen qaar ka mid ah dhalinyaradii Somaliland.

Munaasibadda lagu xusayay oo lagu qabtay beerta xoriyadda ee Magaaladda Hargaysa oo ay goob joog ahaayeen ardayda dugsiyadda sare, hoose dhexe iyo qaar kamida dhallinyaradii dhagax-tuurka samaysay wakhtigaasi ee UFO  oo uu kala qaybgalay khudbadna u jeediyey madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku dheraaday muhiimadda ay qaranka Somaliland u leedahay Maalintani ayaa yidhi" Maanta  waa maalintii dhalinyaradda, waa xuskii UFO, waa maalin qaran oo mudan inaynu waynayno tusaalena u ah wixii qarankan loo soo maray,  waxaanan dhalinyarada ugu baaqayaa inay ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda qarankoodana ilaashadaan".


Sidoo kale waxa halkaa khudbaddo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin gudoomiye ku xigeenka gobolka maroodi-jeex, maayar ku xigeenka caasimada, gudoomiyaha Sonyo, siyaasiyiin iyo qaar ka mida dhalinyaradii wakhtigaasi dhagaxa-tuurayey.

Wa-bilaahi tawfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured