IN RAG KARO AYAA REER U DUMA...Anigu waxaan Commissionka Doorashooyinka u soo jeedin lahaa talooyinka. Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

0
Sunday February 21, 2021 - 12:38:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IN RAG KARO AYAA REER U DUMA...Anigu waxaan Commissionka Doorashooyinka u soo jeedin lahaa talooyinka. Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    IN RAG KARO AYAA REER U DUMA...Anigu waxaan Commissionka Doorashooyinka u soo jeedin lahaa talooyinka. Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

IN RAG KARO AYAA REER U DUMA...Anigu waxaan Commissionka Doorashooyinka u soo jeedin lahaa talooyinka. Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule
Anigoo u arka guul taariikhiya inaynu  dooranayno insha allahu bisha may ee fooda inagu soo haysa  Goleyaal degmo iyo Baarlamaan waa hubaal in juhdi iyo dadaal aad fara badan oo mood iyo noolba leh, la gelinaayo, haddaba markasta oo ay hawshaa adag gelayno, waxaa loo baahan yahay inuu dadaalkeena ku jiro casriyayn ka casri san kii hore, in wixii khalad ahaa ee la recordgareeyey doorashadii hore lagu saaro doorashadan si mid waliba mida ay ka dambayso ay sii saxnaato nidaamkeedu iyo qalabkeeduba, waayo hiigsigeenu waa inaynu gaadhno Record sax ah oo ka Aduunka la mid ah.


Sidaa daraadeed Anigu waxaan Commissionka Doorashooyinka u soo jeedin lahaa talooyinka :- 
1,maadaama ay Daabacayaan Cards dadkii aan hore u diiwaan gashanayn,iyo kuwii uu ka lumay,iyo kuwa loo bedelayaaba, dadkiiba wax yar baa hadhaye inay Cards Cusub oo ka midab duwan kuwii hore, macluumaad aan kuwii hore ku jirina lagu kordhiyey, la wada daabaco lana siiyo Dhamaan dadka diiwaan gashan.
2. Sidoo kale buugaagta ay dadku ku qoran yihiin iyana kuwo cusub oo ka midab duwan kuwii hore, kana macluumaad badan kuwii hore la daabaco,
3 si la mid ah iyana waraaqaha Cod- bixinta ee la keeni doonaa ay aad uga midab gedisnaadaan kuwii hore Macluumaad u qarsoona wataan, si si dhib yar loo helo wixii khaladaad ku yimaada waraaqaha cod-bixinta

Anigoo og dhaqaaleheenu inuu aad u kooban yahay ogna inay jirayso kharash dheeraada oo iay sababayso hawshani ,laakiin Soomalidu hore waxay u tidhi ( in rag karo ,ayaa reer u dumaa,) arrintani waa mid la kari karo, ogow Doorashadii Madaxtooyada dadka is diiwaan geliyey waxay ahaayeen 704 kun , iminkana waxa ku darsamayaa waa ugu badnaan 400 kun, Guud ahaan tiradoodu waa 1,100  milyan iyo boqol kun, dadka sida dhabta ah cod u dhiibanayaa waxay noqon doonaan Aragtida ilaa ilaa 850 kun.
xaqiiqatan waa tiro aad u yar wax aynu qaban karno ayeynu aad isku adkaynaa, markaasay inagu adkaataa, Anigu waxaan u arkaa inay inooga baahan tahay oo keliya Daacadnimo, dadaal iyo fahan aynu fahansanahay waxaynu qabanayno, haddii aynu sidaa yeelno berrito ma maqlayno Dad dhintay baa codeeyey , iyo cards khaldan baa lagu codeeyey, iyo buug baa meel laga helay, wixii shalay la lahaa oo dhan ayey arrimahani inaga soo afjarayaan.wa bilaahi tawfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured