"Markii Xisbigaygii UDUB oga burburayna Ilaahay ayaa silic i baday oo waa anigan kolba mid galaya, uma arko Xisbiyo hagaagsan oo UDUB oo kale ayaan daydayayaa." Siciid Sulub.
"Markii Xisbigaygii UDUB oga burburayna Ilaahay ayaa silic i baday oo waa anigan kolba mid galaya, uma arko Xisbiyo hagaagsan oo UDUB oo kale ayaan daydayayaa." Siciid Sulub.
Burco (Xogreebnews)- Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, ayaa eedeeyeey Xisbiyada Somaliland ka jira kuwa dadkii u kala saaray Qabaa'il oo qofkii murrashaxnimo doonaya, ku xidhaya inuu soo kaxayso odayaasha reerkiisa.
Siciid Sulub oo ka hadlayey munaasibad lagu qabtay Magaalada Burco, ayaa sido kale muujiyey in aanu ku qanacsayn saddexda Xisbi ee ka jira Somaliland, isaga oo soo jeediyey in la furo Xisbiyada, waxaanu yidhi
"Xisbiyadii ayaa imika wadaa in ay dadkii qabaa'il u kala saarto, waxaynu ku jirnaa in qofka murrashaxa la yidhaahdo reerkiinnii soo kaxayso, odayaashaadii iyo cuqaashaadii meeday."
Wasiir Sulub oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi
"Waxaan leeyahay 10 sanno wax yar ayaa ka hadhaye ha la sameeyo Xisbiyo cusub dadka iyo qaranka isku xidho. Waxa aan sidaasi u leeyahay, anigu maanta Kulmiye ayaan ku jiraa, shalay WADDANI, tii ka soo horreysay waxaan ahaa aasaasayaashii Xisbigii UDUB. Markii Xisbigaygii UDUB oga burburayna Ilaahay ayaa silic i baday oo waa anigan kolba mid galaya, uma arko Xisbiyo hagaagsan oo UDUB oo kale ayaan daydayayaa." Leave a comment |
|