Xukuumada Oo Xabsiga Usii Dheeraysay Labadii Musharax Ee Xisbiga Ucid Kuna Xadhignaa Madheera!.

0
Sunday February 21, 2021 - 20:14:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Xabsiga Usii Dheeraysay Labadii Musharax Ee Xisbiga Ucid Kuna Xadhignaa Madheera!.

    Xukuumada Oo Xabsiga Usii Dheeraysay Labadii Musharax Ee Xisbiga Ucid Kuna Xadhignaa Madheera!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Xabsiga Usii Dheeraysay Labadii Musharax Ee Xisbiga Ucid Kuna Xadhignaa Madheera!.

Hargeysa(Xogreebnews)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa sheegay In muddada ay xidhnaanayaan loo kordhiyey Laba Musharrax Oo xisbigaasi ka sharraxan, kuwaasi oo Xabsiga Mandheera loo Taxaabay 8-dii bishan February.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo Shalay la hadlay Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in Arbacadii la soo dhaafay Maxkamadda la horkeeno, balse iyagoon Garsoorka la horkeenin Xadhigga loo sii dheereeyay isla-markaana loo jaray 7 Maalmood oo kale.


Yuusuf Kayse oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  "Xadhigga Musharraxiintaasi wuxuu marayaa 12 Cisho, waxay ahayd in Arbacadii la keeno Garsoorka hortiisa, maaddaama oo ay u dhamaadeen 7 Maalmood ee Rumaanka ah ee Mandheera loogu diray, laakiin waxaanu ka war helnay inaan la keenin oo iyagoo Mandheera ku jira Muddada loo kordhiyey, arrintaasi wer-wer bay nagu keentay, waxaanu u aragnaa in Madax-banaanidii Garsoorka uu culays badani saaran yahay, sababtu waxa weeyaan marka qof masuul ahi uu Qof soo xidho, wuxuu xilku ku wareegaa Garsooraha oo amar Garsoore ayaa Qofka lagu xidhaa, Garsooruhu wuxuu xaq u leeyahay inuu muddo baadhiseed, Saddex Cisho ama 7 Cisho ah, laakiin waxaan aad iyo aad uga xumahay iyadoon Garsoorkii la soo marin oo aan la horkeenin, in haddana 7 Cisho oo kordhin ah loo sameeyo.”

Xoghayuhu wuxuu sheegay oo kale "Waxaad ka war haysaan in Waalidkoodii loo diiday oo ay Warbaahinta ka sheegeen in loo diiday inay arkaan.”ayuu yidhi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured