Ceerigaabo: Xisbiga KULMIYE oo Xaflad Wadareed u Qabtay 16 Murrashax Xildhibaan

0
Sunday February 21, 2021 - 21:55:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ceerigaabo: Xisbiga KULMIYE oo Xaflad Wadareed u Qabtay 16 Murrashax Xildhibaan

    Ceerigaabo: Xisbiga KULMIYE oo Xaflad Wadareed u Qabtay 16 Murrashax Xildhibaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ceerigaabo: Xisbiga KULMIYE oo Xaflad Wadareed u Qabtay 16 Murrashax Xildhibaan
Ceerigaabo(Xogreebnews)- Xisbiga KULMIYE, ayaa xaflad wadareed ballaadhan u 16 murrashax oo u kala tartami doona kuraasta xildhibaannimada Golaha Wakiillada ee Gobolka Sanaag iyo Golaha Deegaanka degmada Ceerigaabo.
Xafadl ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Ceerigaabo maanta, kana qaybgaleen masuuliyiinta xisbiga KULMIYE oo uu horkacayey Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad Md. Xuseen Aadan Cadde, isla markaana ay wehelinayeen madaxda heer gobol iyo degmo ee xisbiga sida Guddoomiyaha xisbiga ee Gobolka Sanaag Md. Yuusuf Xasan Faarax, Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga ee Gobolka Marwo Xaawa Maxamuud Maxamed iyo xubno kale, goob-joogna ay ka ahaayeen Wasiirrada Wasaaradaha Dhallinyarada & Ciyaaraha iyo Arrimaha Bulshada, Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Sahal Maxamed, siyaasiga Axmed Nuur Faahiye, masuuliyiin kale, madaxdhaqameed, odayaal, aqoonyahan, haween iyo dhallinyaro fara badan, ayaa xisbigu ku soo dhaweeyey, kuna aqbalay 16-ka murrashax ee doonaya inay uga qaybgalaan tartanka xildhibaanimo ee heer gobol (Sanaag) iyo degmada Ceerigaabo.
Masuuliyiin, odayaal iyo dad kala duwan oo xafladda ka hadlay, ayaa dhammaantood soo dhaweeyey murrashaxiintan tartanka ku meteli doona xisbiga KULMIYE, kuwaas oo inay aqoon ahaan iyo karti ahaanba u qalmaan doorashada carrabka lagu adkeeyey, waxa kaloo tartamayaasha lagula dardaarmay inay galaan tartan nadiif ah, isla markaana intooda guulaysataan ay noqon doonaan xildhibaanno wada metela guud ahaan bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag iyo degmada Ceerigaabo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured