Qaar kamid ah Cuqaasha iyo Waxgaraadka Beesha reer Samatar, Sacad Muuse oo u Xushay Musharaxooda Golaha Deegaanka Hargeysa Inuu Noqdo Musharax Khaalid Cabdilahi Fallaago...

0
Monday February 22, 2021 - 00:57:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar kamid ah Cuqaasha iyo Waxgaraadka Beesha reer Samatar, Sacad Muuse oo u Xushay Musharaxooda Golaha Deegaanka Hargeysa Inuu Noqdo Musharax Khaalid Cabdilahi Fallaago...

    Qaar kamid ah Cuqaasha iyo Waxgaraadka Beesha reer Samatar, Sacad Muuse oo u Xushay Musharaxooda Golaha Deegaanka Hargeysa Inuu Noqdo Musharax Khaalid Cabdilahi Fallaago...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar kamid ah Cuqaasha iyo Waxgaraadka Beesha reer Samatar, Sacad Muuse oo u Xushay Musharaxooda Golaha Deegaanka Hargeysa Inuu Noqdo Musharax Khaalid Cabdilahi Fallaago...
Hargeysa(Xogreebnews)- Qaar kamid ah Cuqaasha, Aqoonyahan, iyo Waxgaraadka Beesha Reer Samatar-Sacad Muuse, ayaa isku raacay Musharaxnimada Aqoonyahan Musharax Xildhibaan gole-deegaan Khaalid Cabdilahi Falaago, u taagan kamid noqoshada Xildhibaanada golaha Deegaanka degmada Hargeysa.
Cuqaasha iyo Waxgaraadka, ayaa sidoo kale, tilmaamay Musharax Xildhibaan Khaalid Cabdilahi Fallaago inuu yahay Musharaxa rasmiga ah ee Beeshaas u Metelaya golaha Deegaanka degmada Hargeysa, Isla markaana hiil iyo Hooba la garab joogaan.
Sidoo kale, Musharax Xildhibaan gole-deegaan Khaalid Cabdilahi Fallaago waxa si rasmiya usoo xushay Aqoonyahan iyo dhalinyarada Beesha reer Samatar Sacad Muuse, kuwasoo u gartay inuu noqdo Xildhibaan gole-deegaan Deegaanka degmada Hargeysa ee Deegaanada uu kasoo Jeedo Musharaxu.
Geesta kale, Musharaxnimada Khaalid Cabdilahi Fallaago waxa si rasmiya u Aqbalay Xisbiga Waddani oo markii uu ku qancay kartiisa iyo cudada Taageero ee u wato, u xushay inuu kamid noqdo Musharaxiinta golaha deegaanka Hargeysa ee Xisbiga Waddani.
Si kastaba ha haatee Musharax Xildhibaan gole-deegaan Khaalid Cabdilahi Fallaago, ayaa 30-kii sanno ee u dambeeyey noloshiisa ku noola Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa,  waana Musharax ka dheregsan baahiyaha aas-aasiga ah ee ay tabayso Caasimada Hargaysa, isla markaana waa Musharax aqoon-durugsan u leh, xilka u ordayo. Sidoo kale waa masuul la Dareen ah Bulshada uu meteli doono. fadlan Muwaadin codkaaga sii Musharax Xildhibaan Khaalid Cabdilahi Fallaago, oo u qalma inuu ku metelo.
Xigasho http://yoolnews.com/



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured