Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera oo Mudo kooban Ku Sameeyey Waxqabad Mug leh iyo Guulaha Isdaba-jooga ah ee u Gaadhsiiyey Wakaalada. Warbixin.

0
Tuesday February 23, 2021 - 13:45:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera oo Mudo kooban Ku Sameeyey Waxqabad Mug leh iyo Guulaha Isdaba-jooga ah ee u Gaadhsiiyey Wakaalada. Warbixin.

    Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera oo Mudo kooban Ku Sameeyey Waxqabad Mug leh iyo Guulaha Isdaba-jooga ah ee u Gaadhsiiyey Wakaalada. Warbixin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera oo Mudo kooban Ku Sameeyey Waxqabad Mug leh iyo Guulaha Isdaba-jooga ah ee u Gaadhsiiyey Wakaalada. Warbixin.
Berbera(Xogreebnews)-Shaqsiga haya xil-dawladeed oo hawlbowle ah, isla markaana leh, aqoon, khibrad shaqo, firfircooni dhalinyaronimo iyo daacadnimo leh, waxa uu Hayadda uu qaranka uga wakiil yahay ka dhigaa mid tisqaada, oo umaddu mahadiso adeegga ay u bulshada u qabato. Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Eng. Saleeban Cabdi Looliya, oo mudo kooban hayey xilka Wakaaladaas, ayaa waxqabad sal Balaadhan sameeyey. Waxanu noqday Taarikhda Wakaalada Biyaha Berbera Maareeyihii ugu waxqabadka badnaa ee soo maamula.
Maareeye Saleeban Cabdi Looliya, waxa uu Bedelay Beebabkii Biyaha ee qadiimiga ahaa, oo u ka dhigay kuwo casriya, isla markaana waxa uu Magaalada Berbera ka haqab-tiray Biyaha qasabada, iyadoo ay Magaalada Berbera tahay magaalo xeebeed ay adag tahay in lagu Noolado Biyo la'aan.
Sidoo kale, Maareeye Saleeban Cabdi Looliya, waxa uu mudo kooban ku dhisay Dhisme weyn oo fooq ah, kaasoo ka kooban dhowr daqab, isla markaana ay leedahay Wakaalada Biyaha Berbera. Dhismaha bilicda leh, ee u dhisay Maareeye Saleeban, waxa guul iyo Gobanimo u yahay Haayada Qaranka ee tisqaaday inay yeeshaan goob bilic iyo nadaafad leh ee oo ay Qaranka ugu shaqeeyan.
Maareeyaha Saleebaan waxa uu dardar-geliyey hanaanka shaqo ee Wakaalada, waxanu Biyo-gelin ku sameeyey ilaa afar xaafadood oo kamid ah Magaaladda Berbera oo sannooyinkii u dambeeyey fidiysay, isla markaa ah Magaalo xeebeed cimiladeedu kulushahay, iyadoo aanu qofna waqti yar biyo-laan Karin. Maareeye Saleebaan waxa uu soo jiitay inshaha bulshada Saaxil kuwasoo Guri-walbaa uga ducaynayaa, kaddib markii uu ka haqab-tiray Biyaha qasaabadda.
Waxanu Maareeye Saleebaan ku guuleystay mudadii koobnayd ee u xilka hayey, inay xaafadaha Waraabe u taaga iyo Burco sheikh iyo kuwo kaloo badani helaan Biyo nadiifa oo ah kuwo qasabadeed, si toosana u cabbaan hadda, iyagoon hore u heli jirin intaa badan, sidoo kale, waxa xusid mudan in ay hawlo shaqo oo lexaadkooda leh, ku foogan tahay wakaaladda Berbera, oo la waddo, isla markaana qaybihii u mihiimsanaa la dhigay Beebebkii Biyaha soo qaada ee keena Magaaladda Berbera, waxa laga soo lalinayaa masaafo fog.
Waxanu Maareeyuhuu ka faaideeyey mashruuca Maalgelinta Biyo-balaadhinta Magaalada Berbera, isaggoo habeen iyo maalin walbaa aad arkayso isagoo ku hawlan qabyo-tirka hawlaha shaqo ee Biyo balaadhinta Magaalada Berbera, waxanay taasi furo u noqotay inuu si xawliya u socdo mashruuca Biyo-balaadhinta Berbera.
Sidoo kale, waxa uu Maareeyaha mudada yar xilka Wakaalada Biyaha ee Berbera hayey Md. Saleeban Cabdi looliya nidaam shaqo ee bulshadu ku faraxday ka hir-geliyey shaqaalaha Wakaalada Biyaha ee Berbera, isagoo u sameeyey dirays iyo agab lagu garto, isla markaana xilliga shaqada ee shaqaalaha ka dhigay mid heer Caalamiya, isagoo hanankii hore ka bedelay wax weyn. La soco qaybaha dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured