Madaxda Xisbiga KULMIYE oo Kulan la Qaatay Wefti Diblumaasiyiin ka Socda Dalalka iyo Ururrada Taageerada Siiya Somaliland

0
Tuesday February 23, 2021 - 17:28:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Xisbiga KULMIYE oo Kulan la Qaatay Wefti Diblumaasiyiin ka Socda Dalalka iyo Ururrada Taageerada Siiya Somaliland

    Madaxda Xisbiga KULMIYE oo Kulan la Qaatay Wefti Diblumaasiyiin ka Socda Dalalka iyo Ururrada Taageerada Siiya Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Xisbiga KULMIYE oo Kulan la Qaatay Wefti Diblumaasiyiin ka Socda Dalalka iyo Ururrada Taageerada Siiya Somaliland
Hargeysa(Xogreebnews)-War saxaafadeed                                                                           Date: 23/02/2021
Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti diblumaasiyiin iyo madax sar-sare ah oo ka socda dalalka iyo ururrada kala shaqeeya Somaliland arrimaha horumarka iyo dimuqraadiyadda oo ay ka mid yihiin; UK, Germany, Sweden, Denmark, EU, UN iyo AU, kuwaas oo booqasho ku yimi dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka oo qodobada ugu badan lagu lafa-guray arrimaha la xidhiidha doorashooyinka is-barkan ee Golaha Wakiillada iyo Deegaannada dalka Somaliland ee qabashadeedu u muddaysan tahay 31-ka bisha May ee sannadkan 2021, waxay weftiga ka socday beesha caalamku si weyn ugu ammaaneen Xukuumadda Somaliland, axsaabta Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka sida wanaagsan ee ay u hirgeliyeen diiwaangelinta codbixiyayaasha oo dhaqaalihii ku baxay ay bixisay dawladda Somaliland, taas oo ku dhammaatay si nabadgalyo ah. 


Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE waxa uu u sheegay weftiga in xisbi ahaan iyo Xukuumad ahaanba ay diyaar ka yihiin wax kastoo la xidhiidha qabashada doorashooyinka isku-sidkan, isla markaana mudnaantooda koowaad tahay in doorasho xor iyo xalaal ahi si amni ah uga dhacdo dalka Somaliland waqtiga loo muddeeyey, taas oo wax kastoo carqalad ku noqonayaana ay axsaab ahaan iyo dawlad ahaanba si wadajir ah uga soo horjeedaan.
Waxa kaloo Mudane Axmed Cabdi-dheere ku wargeliyey xubnaha weftiga kulanka la qaatay in xisbiga KULMIYE uu gacan buuxda siinayo murrashaxiinta haweenka iyo beelaha la hayb-sooco ah ee iska soo sharraxa xisbiga, iyadoo horeba xisbiga iyo Xukuumaddiisu ay dadaalo badan uga galeen sidii kor loogu qaadi lahaa ka qaybgalka talada dalka ee labadan qaybood ee bulshada ka tirsan.
Dhankooda weftigani waxay ballanqaadeen in ay diyaar la yihiin  wixii taageero ah ee ay dalalkooda iyo ururrada ay ka socdaan ka gaysanayaan doorashooyinka Somaliland. 
Gebogabadii, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Mudane, Axmed Cabdi-dheere oo ay kulankaas ku wehelinayeen Xoghayaha Guud ee xisbiga Mudane, Ibraahim Axmed Raabbi iyo Siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan Guddiga Fulinta ee xisbiga, waxa uu shirkaasi ku dhammaaday is-afgarad buuxa.
ALLAA MAHAD LEH
Mudane, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni 
 Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured