Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Shir-weynaha Haweenka Ee Doorashooyinka .

0
Wednesday February 24, 2021 - 17:18:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Shir-weynaha Haweenka Ee Doorashooyinka .

    Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Shir-weynaha Haweenka Ee Doorashooyinka .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Shir-weynaha Haweenka Ee Doorashooyinka .
Hargeysa-24-02-2021-(Xogreebnews)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-galay munaasibad loo qabtay haweeen weynaha Somaliland ee qaybta ka ah tar-tanka doorashooyinka fooda inagu soo haya ee Wakiilladda iyo Deegaanka.
Shirweynahan oo ujeedadiisu ahayd sidii haween-weynaha Somaliland loogu taageeri lahaa ka qayb-qaadashadda arrimaha Siyaasadda islamarkaana loogu dhiiri galin laha inay is-doortaan ayuu madaxweyne ku xigeenku kula dar-daarmay haween weynaha kuna yidhi "Shirkani waa uu dabada ku hayaa sidii loo awoodayn lahaa sidii haween waynuhu uga qayb-qaadan lahaayeen arrimaha siyaasadda, gaar ahaan arrintan imika taagan ee doorashooyinka oo aynu ku dhiiri gelino inay is-doortaan oo yimaadan halka siyaasadda wadanka laga gooyo hadii ay fullin tahay iyo hadii ay sharci-dajinba tahay.” 
Madaxweyne ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Xukuumaddu dadaal xoogan gelisay sidii haweenku uga qayb-noqon lahaayeen Siyaasadda waxaanu yidhi. "Haweeenku waa laf-dhabarta dalkeenna waa muhiim in kooto loo sameeyo oo gobol walba tiro gaar ahi kasoo baxdo, nasiib-darro arrintaa golaha sharci-dajinta ayaa nagu diiday, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biix Cabdi aad ayuu ugu dadaalay runtii inuu kordhiyo ka qayb-galka haweenka ee fullinta isagoo agaasime-yaal magacaabay, waxna madaxweynaha ayay qalin-kiisa ku jiraan, waxna doorasho ayay ku xidhan tahay, hadii kootadii la diiday hadana ka xisbiyo ahaan waxaanu isla garanay in la sharaxo haweenka " ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wa-bilaahi Tawfiiq



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured