Masuul ka Tirsan Xisbiga Waddani oo Si Cad uga Horyimi Madax-banaanida Somaliland, Taageerayna Hadalkii Ismaaciil Buubaa....

0
Saturday February 27, 2021 - 18:47:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul ka Tirsan Xisbiga Waddani oo Si Cad uga Horyimi Madax-banaanida Somaliland, Taageerayna Hadalkii Ismaaciil Buubaa....

    Masuul ka Tirsan Xisbiga Waddani oo Si Cad uga Horyimi Madax-banaanida Somaliland, Taageerayna Hadalkii Ismaaciil Buubaa....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuul ka Tirsan Xisbiga Waddani oo Si Cad uga Horyimi Madax-banaanida Somaliland, Taageerayna Hadalkii Ismaaciil Buubaa....
Hargeysa(Xogreebnews)- Gudoomiyaha garabka dhalinyarada Xisbiga Waddani Rachid Jama, ayaa si toos ah uga horyimi madax-banaanida iyo qaranimada Somaliland, Kadib markii uu si Indho la'aana u Taageeray Hadalkii Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo sheegay in aanay Somali kala maarmi karin.
Hadaba hadalka Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee Xisbiga Waddani, ayaa u ku sheegay in aanay kala maarmi Karin maamulada Somalidu. Hadalkan oo u Xoghayaha Xisbiga Waddani Rachid Jama ku baahiyey bartiisa Facebook, ayaa si cad uga hor imanaya jiritaanka Somaliland iyo madaxbanaanida qaranimada, iyadoo masuulka sida cad uga horyimi madax-banaanida Somaliland u xil ka hayo mid kamid ah Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo ah mid kamid tirarka Qaranka. Qoraalka masuulkani Baahiyey ayaa u dhigan sidan. 
"Hadalkii Pro Buubaa waxa aan ku raacsanahy
1. In aanay Soomaali kala maarmayn oo ay midnimadoodu muhiim u tahay isbadalka geeska Afrika laga filayo in uu ka dhaco. 
2. In maamulada (Somaliland, Somalia, NFD, Djibouti iyo Somali region) ay isku furmaan oo ay walaalo wax badan wada qabsada noqdaan. Gaar ahaan Somaliland iyo Somalia oo weli wax isku jiraan in ay siyaasada dhinac iska dhigaan oo ay waxyaabo badan baa mideeyee ay wadashaqayntooda soo celiyaan sida in isku socodka siyaasiyiinta aan xilalka hayn iyo ganacsatada loo fududeeyo in ay booqan karaan Somaliland iyo Soomaaliyaba.
3. In la dhiso iskaashi wada shaqayneed iyo mid nabadgalyo si looga gaashaanto dhibaato walba oo ku soo food leh deegaanada Soomaalida.
#Iskufuran". Rachid Jama. 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured