"Mulac Caruuri Qabatay Isna Waa Ku Qudh-gooyo, iyana Waa la Ciyaar" Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo Jawaab Kulul Siiyey Ismaacil Buuba.
"Mulac Caruuri Qabatay Isna Waa Ku Qudh-gooyo, iyana Waa la Ciyaar" Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo Jawaab Kulul Siiyey Ismaacil Buuba.
Hargeysa(Xogreebnews)- "Awel xaaladu waxay taagnayd in shaqsiga Somaliland u dhashay ee qadiyada Somali weynta Aaminsani uu Markuu Xamar tago ka hadlo wixii uu qarsanaayey, meelahaasna uu wax liita ka shubo, waxaase iminka soo baxday dhalinyaro yar-yar oo ka led-haysta Niman Siyaasiyiin sheegta oo qaarna Somaliland joogaan qaarkoodna Dawlada Xamar Shaqooyin ka hayaan faafiyaan Damacooda ah inay Somaliland dhexdeeda wax iska Caadiya ka noqoto ololaynta Somaliweyn.
Haddaba Anigu nin aan u aqaano Safiir Somaliya ee u fadhiya Somaliland ayaa isagu kow ah ragga fekdrkaas faasidka ah u laqima da yarta Somaliland isagoo qaab reernimo isugu toosinaya, waxaanse aan garan la ahay waxay Somaliland Dawlad iyo Shiciba u eeganayaan ragga caynkaas ah, ninkastaa wuu og yahay qiimaha ay somaliland ku taagan tahay isagoo aan cid kaleba u markuu isagu iska qiimeeyo.
Sidaa daraadeed Somalidu hore ayey u tidhi Caduur dhawdhawdu uma dhacsana, waxaaba aan arkaayey inan yaroo la sheegay Inuu xisbi qaran xil u hayo oo si aan gabasho lahayn u taageeraya fekerkaas barkuma taalka ah, iyo kuwo kale oo hadlaayey lahaana waa nala calool baadhaya, kuwana inay calanka Suuqa lulaan baabay ku dhiiradeen, waxaase ka maqan inay arrintu taagan tahay (isma oga agoon iyo ninkii Aabeheed dilaye ) malaha waxaabay is leeyihiin Dawlad iyo Ciidan boolis ka toocsadee, waxay is mudan doonaan shicibka Somaliland cid loo raacana waa la garan waayi.
Hore ayaa loo yidhi Mulac Caruuri qabatay isna waa ku qudh gooyo, iyana waa la ciyaayir.
(Ragga dhalin-yarta ku miino-baadhaya kuwii ay direen baan loo qabsane, marka lagu soo jeesto wallee inay Maradu ku guban doonto.) Leave a comment |
|