Mr. Buubaa Midnimada Somaliweyn Ee Uu Raadinayo Waxay U Jirtaa Inta Uu Xiddiga Mariikh (Mars) U Jiro Dhulka. Qalinkii Ibrahim Hassan Gagale.

0
Sunday February 28, 2021 - 21:12:36 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mr. Buubaa Midnimada Somaliweyn Ee Uu Raadinayo Waxay U Jirtaa Inta Uu Xiddiga Mariikh (Mars) U Jiro Dhulka. Qalinkii Ibrahim Hassan Gagale.

    Mr. Buubaa Midnimada Somaliweyn Ee Uu Raadinayo Waxay U Jirtaa Inta Uu Xiddiga Mariikh (Mars) U Jiro Dhulka. Qalinkii Ibrahim Hassan Gagale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mr. Buubaa Midnimada Somaliweyn Ee Uu Raadinayo Waxay U Jirtaa Inta Uu Xiddiga Mariikh (Mars) U Jiro Dhulka. Qalinkii Ibrahim Hassan Gagale.
Mr. Ismaaciil Buubaa wuxuu midnimada Somaliweyn u yaqaan Somaliland iyo Somalia oo isku noqda. Jabuuti waa dal gaar ah oo uma soo socoto Somaliweyn, Somali Galbeed iyo NFD waxay ka kala tirsanyihiin Itoobiya iyo Kenya oo xataa haddii ay xoroobaan lama yaqaan inay aaminsanyihiin Somaliweyn oo ku soo biiri inta xorta ah. 
Haddaba, muxuu Ismaaciil Buubaa ula jeedaa Somali ma kala maarmikarto, xagay ayuu ku arkayaa midnimada Somaliweyn ee uu raadinayo maanta? Soomaali oo qabyaaladu kaga xoogweyntahay Diinta Islaamka, labadii is-raacay 1960 (Somaliland iyo Somalia) waxay kala tageen 1991 markii kelitalisnimo qabiil tacadiyo waaweyn u geysatay Somaliland. Maantana la arkayo waxa ka taagan Muqdisho oo asalkeedu yahay qabyaalad marlabaad laga dhaxlo burbur iyo halaag.


Mr. Buubaa waxaa uu ula jeedaa waraysigii uu bixiyay February 27, 2021 in midnimada Somaliweyn ee uu aaminsanyahay ay tahay Somaliland iyo Somalia oo qudha oo isku noqda, dabadeedna ay 4ta kale ee Somaliyeed u soo xukun iyo boob doontaan Somaliland sidii dhacday 30 sano ee Is-raaca (1960-1990). Waxaa uu rabaa Ismaaciil Buubaa in marlabaad Somaaliweyn oo aan wax wada lahayn waxna isku darsan ay liqdo Somaliland, marka laga horyimaadana loogu abaal-gudo gummaad, burbur iyo barakicin sidii hore u dhacday (1984-1990).

Somalidu weli uma bisla dawladnimo. Waxay u bisishahay qabyaald oo ah wedka dawladnimo iyo Somaliweyn. Dadka Somaliland laguma hodayo mar labaad jacayl iyo xiiso Somaliweyn aan jirin. Somaliweyn ma jirto maanta sida aanay u jirin Carabweyn. Somaliland maanta waa dawlad dhisan oo haysata dad iyo dalba. Waa in shuruuc adag laga soo saaraa, tallaabo adagna  laga qaadaa kuwa la iibsadayaasha ah ama maangaabka ah ee maanta raba inay Somaliland u loogaan Somaliweyn aan jirin. Somali intii isku dal, dad iyo xuduud ah ayaa isfahmikarta ee aayaheeda haka tashado hana suuliso qabyaaladda oo ah wedka dawladnimada iyo midnimada. Waxaa muhiim ah in 5ta Somaliyeed ay dhexmarto walaalnimo iyo iskaashi sokeeye.
Mr. Ismaaciil Buubaa midnimada Somaliweyn ee uu raadinayo waxay u jirtaa inta Xiddiga Mariikh (Mars) Dhulka u jiro, ahna meel aan lahayn biyo, hawo iyo geedo oo xataa aanay Somaliweyn ku hirgaleyn. 
Ibrahim Hassan Gagale
February 28, 2021


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured