Madaxwayne Biixi Oo Go,aamiyay In Xukuumadu Bixinayso lacagta looga Baahan Yahay Musharxiinta Haweenka Iyo Beelaha La hayb Sooco.

0
Monday March 01, 2021 - 17:48:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Biixi Oo Go,aamiyay In Xukuumadu Bixinayso lacagta looga Baahan Yahay Musharxiinta Haweenka Iyo Beelaha La hayb Sooco.

    Madaxwayne Biixi Oo Go,aamiyay In Xukuumadu Bixinayso lacagta looga Baahan Yahay Musharxiinta Haweenka Iyo Beelaha La hayb Sooco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Biixi Oo Go,aamiyay In Xukuumadu Bixinayso lacagta looga Baahan Yahay Musharxiinta Haweenka Iyo Beelaha La hayb Sooco.
Hargeysa(Xogreebnews)-WAREEGTO MADAXWEYNE, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WHM/240-718/03202 ku go’aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
Og: Guddoomiyaha Xisbiga UCID
Og: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI
Og: Xisbiga KULMIYE
Og: Xisaabiyaha Guud ee Qaranka
Og: Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka
Og: Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ujeeddo:   Deebaajiga Murashixiinta ee Haweenka iyo Dadka-La-Hayb Sooco
Mudane Wasiir,
Sida aad la socoto Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020 Qodobka 68aad iyo Qodobka 83aad waxa ay ku waajibinayaan Murashixiinta Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka in ay bixiyaan Lacag Deebaaji ah, kuna shubaan Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
Haddaba, si ay xukuumaddu u dhiirigaliso ka qayb-galka Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco waxaan go’aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.
Sidaa darteed, waxa aan ku war-gelinayaa Xisbiyadda Qaranka in ay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda u gudbiyaan faah-faahinta murashixiinta kor ku xusan ee shuruudihii sharciga buuxiyey.
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa la farayaa in ay bixiso lacagta sharcigu ku waajibiyey murashixiinta kor ku xusan ee shuruudaha buuxiyey ee ay kuu soo gudbiyaan Guddoomiyayaasha Xisbiyada Qaranku.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured