Wasaarada Waxbaraashada oo Guddi u Saartay Dhacdadii Ardaydu ku Weerartay Dugsiga Nuuradiin, Baadhitaan lagu Wado Sababta Dhalisay Gadoodka Ardayda iyo Fariin loo diray Bulshada

0
Friday March 05, 2021 - 01:10:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Waxbaraashada oo Guddi u Saartay Dhacdadii Ardaydu ku Weerartay Dugsiga Nuuradiin, Baadhitaan lagu Wado Sababta Dhalisay Gadoodka Ardayda iyo Fariin loo diray Bulshada

    Wasaarada Waxbaraashada oo Guddi u Saartay Dhacdadii Ardaydu ku Weerartay Dugsiga Nuuradiin, Baadhitaan lagu Wado Sababta Dhalisay Gadoodka Ardayda iyo Fariin loo diray Bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Waxbaraashada oo Guddi u Saartay Dhacdadii Ardaydu ku Weerartay Dugsiga Nuuradiin, Baadhitaan lagu Wado Sababta Dhalisay Gadoodka Ardayda iyo Fariin loo diray Bulshada
Hargeysa(Xogreebnews)- Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbaraashada Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Abokor, ayaa ka Hadlay dhacdadii Ardayda Dugsiga Nuuradiin ku kaceen, waxanu sheegay in Wasiirka Waxbaraashadu ku soo sameeyey Kormeer, isla markaana dejiyey Ardaydii Gadoodsanay.
Sidoo kale waxa uu sheegay Agaasimuhuu in guddi Wasaarada ka kooban, loo xil Saaray baadhitaan inay ku sameeyaan, Sababta Keentay dhacdadaas, foosha xun ee lagula kacay dugsiga Nuuradiin. Agaasime Axmed Abokor, ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook kasoo u dhigan sidan. 
"WARGELIN: Xaaladda Dugsiga Sarre ee Wiilasha Nuuradiin (Noradiin Boys)
Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska markii ay ka war-heshay dhacda ka dhacday dugsiga sare Nuuradiin (Nuuradiin Boys), waxa isla markiiba goobta tagay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Guddoonka Waxbarashada Gobolka Maroodi Jeex. 
Markii ay goobta tageen waxa ay dejiyeen xaalada si maamulka iyo kala dembaynta u soo celiyaan. Iyaga oo ay kala qaybqaateen ciidanka bilaysku. 
Sidoo kale waxa ay la kulmeen Maamulka Dugsiga si ay uga waraystaan dhacdadan iyo waxa sababay. Waxa ay u kuurgaleen baaxadda uu leeyahay khasaaraha ay geysteen arday gadooday, iyaga oo fasal fasal u galay una qiimeeyey. 
Markii kormeerku dhammaaday, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa uu magacaabay Guddi farsamo oo loo xilsaaray dhacdada Dugsiga Sare ee Nuuradii Boys ka dhacday. 
Guddidaas oo kala ahayd:-
1. Xuseen Cabdi Cawil Ag. Waxbarashada Tooska.  ( Gudoomiye)
2. Yuusuf Xuseen Maxamed. Ag. Waaxda Hantida Waxbarashada.
3. Cabdiqaadi Cabdilaahi Jaamac. Ag. Waaxda Daryeelka. 
4. Su'aad Maxamed Cabdi Ag. Waaxda Waxbarashada Dadban. 
5. Cabdikariim Cali Caaruf Guddoomiyaha Waxbarashada Ee Gobolka Maroodi Jeex
6. Aamina Casayr Magan Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada
Guddidu waxa ay kulan isugu yimaadeen maanta oo ay bishu tahay 04,03,2021. Waxayna soo saareen go'aamo hor dhac ah oo ku saabsan dhacdadan, kuwaas oo ah:-
1. In guddidu baadhis ku samayso arrimaha maamul ee  sababay gadoodka ardayda, muddo lix cisho gudahood ahna go'aan kaga soo saarto dhacdada dugsiga. 
2. In baadhis lagu sameeyo khasaaraha ka dhashay dhacdadan iyo cida masuuliyada leh, iyaddoo Wasaaraddu kaashanaysa maamulka  Gobolka iyo ciidamada kala duwan ee nabadgalyada iyo dambi baadhista 
3. In ardayda dugsiga lafasaxo muddo lix maalmood ah inta dayactirka dugsigu dhammaanayo isla maarkaana la dhamaystirayo baadhista, dugsigana aan la furi karin illaa  wasaaraddu qaraar rasmi ah kasoo saarto. 
Wasaaraddu waxay u mahadnaqaysaa Ciidanka Booliiska oo dhacdadaa si degdega oo lexjeclo leh uga hawlgalay, xirfad sare oo masuuliyad booliis ku dheehan tahayna kula tacaaley xaladii ardeydii gadoodsanayd.
Sidoo kale waxa ay u mahadcelinaysaa Maamulka Gobolka Maroodijeex oo si xilkasnimo leh uga qaybqaatay dejinta gadoodka ardayda. 
Wasaaradda Waxbarashada waxa ay bulshada ku wargalinaysa inaan laga hor dhicin baadhista gacanta lagu hayo ee ay iska kaashanayaan laamaha amniga iyo Wasaaradda waxbarashadu, sidoo kale waxaan bulshada xasuusinaynaa inaan arimaha la xidhiidha Waxbarashada aan la siyaasadayn ujeedooyin kala duwana aan looga faa’idaysan dhacdadan oo la sameeyo tudhaale maadaama ay tahay masayrka ubaxa wadanka usoo kacaya.
Wabilaahi tawfiiq.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured