Saddexda Xisbi Oo Si Rasmi Ah U Soo Gunaanaday Kala Hufka Musharraxiinta Iyo Meehanowga Qaar Ka Mid Ah Musharraxiinta Seefta Xisbiyadu Galaafatay!.

0
Tuesday March 16, 2021 - 20:44:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddexda Xisbi Oo Si Rasmi Ah U Soo Gunaanaday Kala Hufka Musharraxiinta Iyo Meehanowga Qaar Ka Mid Ah Musharraxiinta Seefta Xisbiyadu Galaafatay!.

    Saddexda Xisbi Oo Si Rasmi Ah U Soo Gunaanaday Kala Hufka Musharraxiinta Iyo Meehanowga Qaar Ka Mid Ah Musharraxiinta Seefta Xisbiyadu Galaafatay!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddexda Xisbi Oo Si Rasmi Ah U Soo Gunaanaday Kala Hufka Musharraxiinta Iyo Meehanowga Qaar Ka Mid Ah Musharraxiinta Seefta Xisbiyadu Galaafatay!.

Hargeysa(Xogreebnews)- Saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI ayaa la sheegay inay si rasmi ah u soo gunaanadeen guddiyadii uu Xisbi weliba dhangkiisa u xil saaray kale reebista iyo kale shaandhaynta musharraxiinta u tartamaya doorashooyinka inagu soo foolka leh ee isku sidkan ee degaanka iyo Wakiillada.

Xisbiga KULMIYE;

Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE ayaa isagu la sheegay in guddidii uu u xil  saaray ay kale saarista musharraxiin, kuwaas oo musdanbeedkooda hoggaanka Xisbiga garabsanayey ay soo gunaanadeen hawshii kale shaandhaynta musharraxiinta Xisbiga u tartanmaya doorashooyinka muddaysan sannadkan bisha May 31, 2021-ka,waxaa la sheegay in meesha laga saaray Musharraxiin baddan, kuwaas oo siyaabo kale duwan ay shaandhadu u reebtay, wallow xoggaha qaar ay sheegaan in  qaarkood lagu reebay in aanay beelahooda aanay ka haysan kalsooni baddan ama aan la isku raacsanayn beel ahaan iyo qaar lagu reebay oo la qawaday codadka ay haystaan,taas oo keentay in laga door biddo musharrax kale oo cod baddan haysta in booskiisa lagu buuxiyo.


Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa faray dhammaanba xubnaha xisbiga KULMIYE uga sharraxan gobollada iyo degmooyinka dalka inay degdeg lacagta cashuurta ugu shubaan xarumaha wasaaradda maaliyaddu ku leedahay dalka, islamarkaana waraaqda muujinaysa in lacagtaas laga qabtay ay usoo diraan xarunta xisbiga, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "Waxa jirta jirta cashuur sharci ah oo ku waajibtay inuu bixiyo nin kasta oo murrashax ahi, faylashii baannu xaraynaynaa 17-ka bishan, waxana aannu jecel in muddo laba maalmood gudahood ah qof kasta oo murrashax ahi uu soo shubo, qof kastaa halka uu joogo ayuu ku bixinayaa, cashuuraha berriga ayuu tegayaa, lacagtaas buu soo bixinayaa, waraaqdii uu lacagta ku bixiyiyna wuu noo soo dirayaa.”

Xisbiga UCID

Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa isna la sheegay in guddidi uu xil saarnay kale saarista iyo kale reebista musharraxiinta ay si rasmi ah u soo gunaanadeen hawsha kale saarista iyo kale reebista musharraxiinta,waxaanay xoggaha laga helayo xarunta dhexe ee Xisbigu ay sheegaan in Xisbigu u soo reebay musharraxiin kale duwan, kuwaas oo qaarkood si toos ah loogu sheegay qaarna aan weli loo sheegin,waxaana kamid ah musharraxiin aan beelahood isku raacsanay oo musharrax kale oo ka sharraxan Xisbiyada KULMIYE ama WADDANI oo beeshu isku raacsantay ku xumayna iyo kuwa kale.

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa isna la weriyey in guddidii kale saarista iyo kale reebista musharraxiinta u tartamaysa xisbiga doorashooyinka isku sidkan ee deegaanka iyo Wakiillada ay soo gunaanadeen,waxaana la sheegay in Xisbigu uu soo reebay musharraxiin kale duwan, kuwaas oo iskugu jirra Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada, waxaana la sheegay in Musharraxiinta qaar uu Xisbigu u sheegay in aan loo hayn kursi Gole Wakiillo,balse taa baddelkeeda loo soo bandhigay inay qataan Gole Degaan,kuwaas oo la sheegay inay diideen,halka Musharraxiinta uu Xisbiga reebay qaarkood ay Beeluhu u gudbiyeen in hebel la reebbo oo hebel oo reerku weteen ay soo saraan,waxaana Xusid muddan in Xisbiga WADDANI Musharraxiintii uu doonnayo inay u tartamaan doorashooyinka isku sidkan uu fariimo u diray lgu farayo inay bixiyaan lacagta debaajiyadda cashuurta Dowladda ee lagu shubayo Wasaaradda Maaliyadda,balse waxa la sheegay musharraxiinta sida hoose loo reebay in aan iyaga wax fariin ah loo dirin.

Si kastaba ha-ahaatee Saddexda Xisbi ayaa si rasmi ah u soo gunaanada kale saarista iyo kale hufkii Musharraxiin,waxaanu Xisbi weliba daaqada ka saaray Musharraxiin uu dantiisa ka dhex arki waayey,kuwaas oo ay si hoos u reebeen qaarkood si aanay Xisbiyadda kale ugu tegen ee uu wakhtigu ka dhaco, waxaana xusid muddan in arbacada toddobaadkan ay Saddexda Xisbi ay si rasmi ah liisaska musharraxiintooda ugu gudbin doonnaan Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland,waxaynu dhawrnaa waa dhawaqa musharraxiinta ay Saddexda Xisbi reebaan iyo felcelinta beelahooda. Xaaladda u diyaar garawga doorashada ayaa meel kulul maraysa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured