Naasir Caydiid: Ma Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Ee Somaliland Baa mise Waa Taliyaha Saldhigga Axmed-dhagax?. Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr

0
Friday March 19, 2021 - 00:01:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naasir Caydiid: Ma Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Ee Somaliland Baa mise Waa Taliyaha Saldhigga Axmed-dhagax?. Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr

    Naasir Caydiid: Ma Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Ee Somaliland Baa mise Waa Taliyaha Saldhigga Axmed-dhagax?. Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naasir Caydiid: Ma Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Ee Somaliland Baa mise Waa Taliyaha Saldhigga Axmed-dhagax?. Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr
17kii Oktoobar 2020ka waxan joogay Ina Guuxaa oo ku taalla xadka Itoobiya iyo Soomaalilaan. Waxa la dhagaxdhigay jidka Ina Huuxaa illaa Awaare. Dadkii joogay waxa ka mid ahaa Naasir Caydiid Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Soomaalilaan. Haddii xildhibaannada lagu xidhay shahaado dugsi sare ama jaamacadeed, ma garanayo aqoonta lagu cugto wasiirrada. Wasiir, adiga oo naga raalli ah ma noo sheegi kartaa heerkaaga aqooneed? Waa weyddiin adag oo ku dhibaysa. Kollayba jabhadaynta ayay hoggaamiyaha qaranka wadaagaan masuulkan.


Nin ka mid ahaa wefdiga Itoobiya ayaa yidhi "Waxad reer Soomaalilaanow tallaabsateen markii aad Sahratuugo iska dhigteen”. Jaanta ayaa la wadhay "Sahratuugo ayaad nacdeen” buu ku celiyay. Firixda ayaa naga dhammaatay. Sahratuugo waa gaadhi uu wadaha 3aad ka ahaa Naasir Cayiid xilliyadii 1994-1996 oo ay isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ahaayeen raggii rasaasta isku weydaarsanayay Hargeysa. Anigu markaas taageerayaashii Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf IHUN baan ahaa.

Garyaqaan Ayaanle Xaliye ayaa isla ayaantaas ila soo hadlay, iina sheegay in Wasiir Naasir Caydiid uu saldhigga Axmed-Dhagax ka sii daayay; nin jejebiyay agab uu lahaa oo yaallay nootaayo sharci ah. "Miyaad sii deyn mise waa aan sii daayaa?” ayuu Naasir Caydiid ku yidhi Garyaqaanka, iyadoo OB ay dhex joogaan. Sidii ayaanu oodda kaga qaaday. Halkii ay ahayd in uu wax ka dhexdhexaadiyo ayuu dhinac raacay. Waa la-yaab in wasiirradu farageliyaan ciidanka amniga. Agabkii burburyay wuxuu weli yaallaa Saldhigga Axmed-dhagax. Sawirraddii ay kamaradda ilaaladu duubtay baanu haynnaa.
Markii aan Hargeysa imi waxa aanu Garyaqaan Ayaanle ka tashannay:
1. In aanu adeegsiga leexsan ee awoodda dawliga ah u gudbinno warbaahinta iyo
2. In aanu wargelinno taliska guud ee booliska
Waxa aanu isla garannay in aan wargelinno taliska guud ee booliska. Aniga oo aan cabashada jeclayn haddana waxa aan qaatay inaan odayeeyo. 1dii Nofember 2020 ayaan tegay taliska booliska, waxa joogay Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale). Arrimo door ah baanu ka sheekaysannay. Uma socdo kuwaas Guud ee qaran, ujeeddada aan u tegay ayaan toos u abbaarayaa.  Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa wacay Waraabe oo ahaa Taliyaha Saldhigga Axmed Dhagax. 

Markii uu bariidiyay kaddib sheekadan ayaa dhex martay:
Ma jiraa nin aad soo xidhay, agabna buburiyay oo la sii daayay?
Haa
Maxaad u sii deysay?
Naasir Caydiid iyo sarkaal kale ayaa yidhi waan dhammaynayaa
Ma Naasir ayaa ku xukuma mise aniga?
Adiga ayaa i xukuma taliye
Soo xidh waxba muu dhammayn
Haye

Waxa aan hubinta in la fuliyay amarkaas u tegay Saldhigga Axmed-Dhagax, laakiin ma joogin Taliye Waraabe. Waxan soo arkay suuliyo dirxi lahaa oo saldhigga Axmed-Dhagax ku yaallay mar la igu xidhay 5-8 Jeneweri 2019ka oo la hagaajiyay. Wasiir Naasir Caydiid illaa hadda sharciga ma uu horkeenin ninkii uu dammiintay. 

Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) waan ku warceliyay 20kii Disember 2020ka oo uu Jabuuti ku maqnaa waxaanan u sheegay in aan amrkiisi soconnin. Waxa uu yidhi "Aan imaaddo laba cisho kaddib”. War dambe ma aannu kala helin. Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) waan uga mahadnaqayaa odaynnimadii uu ku dhegeystay cabashadii aannu u gudbinnay. Wax uu hagraday ma jiraan. Illaa hadda ninkaas eedayaanaha ahi waxa uu ku maqan yahay dammaanaddii Wasiir Naasir Caydiid.
Waa ceeb in xilalka qaranka looga faaiidaysto eex, qaraaba-kiil, xididnimo iyo qof jeclaysi. Waxan garan waayay in Naasir Caydiid yahay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland mise Taliyaha Saldhigga Axmed-dhagax.. Nin baa yidhi "Ku qariyay qariyay Guncad”, Naasir Caydiidow wax ka badan Oktoobar 2020 illaa Maarij 2021ka  ku qarin kari maayo. 
Aqoon badan ayaa isugu keen dhiman ee weedhaha aad meelahaas ka leedahay "Hebel waa la xidhayaa. Bannaanbax ayuu taageeray." ficil u beddel. Kollayba inaad cid xidhxidho ayaa laguu magacaabay. Ma ihi ka aad u gooddiyi karto. Aniga cudud qof ahaaneed, mid qabiil ahaaneed, mid qaran ahaan tu qoys ahaan midna iguma qafaalan kartid. Intii uu xanuunsaday Wasiir Maxamed Kaahin Axmed nin baa hore u soo fadhiistay. Fadlan ha la sii daayo ardayda dugsiga Salaama ee rasaasta iyo xadhigga la isugu daray. 
Siciid Maxamuud Gahayr


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured