Dugsiga Sare ee Al Furqaan Islamic School oo Cadeeyey Inuu Waxbarashada Dugsiga sare u Dhamaystay Musharax Shucayb Maxamed Muuse...

0
Saturday March 20, 2021 - 01:26:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dugsiga Sare ee Al Furqaan Islamic School oo Cadeeyey Inuu Waxbarashada Dugsiga sare u Dhamaystay Musharax Shucayb Maxamed Muuse...

    Dugsiga Sare ee Al Furqaan Islamic School oo Cadeeyey Inuu Waxbarashada Dugsiga sare u Dhamaystay Musharax Shucayb Maxamed Muuse...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dugsiga Sare ee Al Furqaan Islamic School oo Cadeeyey Inuu Waxbarashada Dugsiga sare u Dhamaystay Musharax Shucayb Maxamed Muuse...
Hargeysa(Xogreebnews)-Dugsiga sare ee Al Furqaan Islamic School, ayaa qoraal Jawaab celin ah u diray Laamaha Xukuumada Somaliland ee ay khusayso baadhitaanada Shahaadooyin ay sidatan Musharaxiinta u tartamaysa golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.
Dugsiga sare ee Al Furqaan Islamic School, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in ay sax tahay shuhaadada u sito Musharax Shucayb Maxamed Muuse oo kamid ah Musharaxiinta golaha Wakiilada JSL ee Xisbiga Ucid uga tartamaysa Gobolka Maroodi-jeex. 
Waxanay intaa raaciyeen maamulka dugsiga sare ee Al Furqaan Islamic School, inuu Arday hore Shucayb Maxamed Muuse kamid ahaa dufcadii dugsiga ee qalin-jebisay sannaadkii 2006-ilaa 2001-kii, isagoo ay ku tilmaameen inuu ahaa Arday ku Baasay darajada A-da, sidoo kalena ku wanaagsanaa sugaanta iyo weliba aftahanimada.
Geesta ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ayaa sheegay in qoraal yeedhmo ah oo kasoo baxay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex oo loogu yeedhayey Musharax Xildhibaan Baarlamaan Shucayb Maxamed Muuse anu ahayn mid la xidhiidha arrimo Siyaasadeed, hase-yeeshee uu yahay mid ka dhexeeya qof ay Dayn kala Qaateen, hase-yeeshee sida xoga lagu helay qoraalkaas maha mid la xidhiidha Musharaxnimadiisa, sida ay baahiyeen dad baraha Bulshada Isticmaala.
Si kastaba ha haatee Musharax Xildhibaan Baarlamaan Shucayb, ayaa ka gudbay dhamaan shuruudihii looga baahna Musharaxiinta golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.
Halkan ka Akhri Warqada Dugsiga sare ee Al Furqaan Islamic School, laga Dalbaday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured