CUDURKA COVID-19 IYO HABRAACA TALLAALKA KA HOREEYA IYO SIDAY WASAARADA CAAFIMAADKA JAMHUURIYADA SOMALILAND U WAAJAHAYSO :

0
Tuesday March 23, 2021 - 20:42:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 855
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    CUDURKA COVID-19 IYO HABRAACA TALLAALKA KA HOREEYA IYO SIDAY WASAARADA CAAFIMAADKA JAMHUURIYADA SOMALILAND U WAAJAHAYSO :

    CUDURKA COVID-19 IYO HABRAACA TALLAALKA KA HOREEYA IYO SIDAY WASAARADA CAAFIMAADKA JAMHUURIYADA SOMALILAND U WAAJAHAYSO :

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CUDURKA COVID-19 IYO HABRAACA TALLAALKA KA HOREEYA IYO SIDAY WASAARADA CAAFIMAADKA JAMHUURIYADA SOMALILAND U WAAJAHAYSO : Haddìi aan maqaalkan ku  bilaabo bisinka Alle(SWT) , bismillaahi raxmaani raxiim iyo saliga nabigeena muhammed (NNKHS) , waxaynu maanta ku lafa guri doonaa xaalada caafimaad ee bulshadeena ku nool jamhuuriyada somaliland iyo qorshaha liita ee wasaarada caafimaadka jamhuuriyada Somaliland .
Sida daruuriga ah ee waxaa muhiim ah qof kasta oo binu adem ahi inuu helo adeegyada aasaasiga ah sida :
1. Biyo iyo Cunto uu quuto qofka binu adem ka ahi .
2. Hoy ama Guri uu u hoydo ama roobka iyo dhaxanta ka dugsado .
3. Caafimaad qab ama inuu qofku badqabo
4. Waxbarasho iyo horumarin nololeed kadib markuu kuwaas sare ku xusan helo .

Maanta waxaynu lasoconaa xaalada dhibaato ee cudurka Covid 19 ku hayo balshadeena ku dhaqan jamhuuriyadan JSL oo dhimashadiisu kor u kacday waayadii danbe,  taasi waxay tilmaamaysaa ama inooga turjumaysaa qorshaha aan sida fiican looga baaraan degin ee yaala wasaarada caafimaadka JSL . 
Maanta may ahayn inay ka bilaabaan halkii ay sannad iyo afar bilood taagnaayeen taas oo macnaheedu yahay wasaarada caafimaadka iyo guddiga ka hortaga Covid 19 kamay faa iidaysan oo waqtigii ay ku xalin lahaayeen arrimo faro badan oo maanta dib u eegis iyo fulin u baahan sidoo kale  waqtiyadii adduunyada kale rafaadsanayd ee dhimashadu tiro beeshay , umadeenana rabi u gargaaray laguma dhaqmin qorshayaashii taasi oo ay jireen sababo duruufo dhaqaale ay ka mid ahaayeen in loo la fasaxo isu socodka bulshada iyo waxbatashadii dhimashaduna ay yarayd . Balse qorshe caafimaadkii nidaamka hab raac ee loo waajahayo hospitals ka iyo sidoo kale bukaanka la ildaran cudurkan ckvid 19 wasaarada iyo gudiga kahortagu may hirgalin .

Aniga oo aan qoraalka kusii dheeraanayn week gii hore  waxaa ay wasaaradu keentay tallaalkii covid 19 ka .

Ugu danbayn Waxaan soo jeedin lahaa labo qodob  oo mid uu yahay codsi iyo tallo aan madaxwaynaha usoo jeedinaayo midna  wasaarada caafimaadka iyo guddiga covid 19 ka .
  wasaarada caafimaadka iyo guddiga ka hortaga covid 19 , waxay shaqo wadda jira bilaabeen sannadkii 2020 bilihii sannadka ugu horeeyay , aniga oo kamida bahda caafimaadka khaasatan dhakhaatiirteena , mar iyo jeer maaha inta aan qoraal iyo muuqbaahiye tallo idinkula wadaagay . Maantana oo wixii aan ka biyo diidsanaa waa kuwaa maanta inoo muuqda . Oo maxay waxay tahay waxaan kasoo horjeeday , yes haddii aan sheego waxay ahayd nidaamka aynu u waajahaynay ka hortaga covid 19 , taasi maanta way dareemayaan dhamaan bahda caafimaadka iyo bulshada dhamaantood . Horta inta aydaan tallaal bilaabin waxaan idiin soo jeedin lahaa inaad nidaamka ka hortaga iyo sida loola tacaalayo cudurkan aad hab raaciisii iyo protocolka aad qorteen ee ku xusan buuga loogu tallo galay nidaamka loo waajahayo ka hortaga caabuqa  covid 19 iyo maarayntiisa  intaasi kadib ayaabaad tallaalka sixi kartaan oo aad waddada saxda ah maraysaan . Waayo innaga oo aan fulin habraacii saxda ahaa ee hore ma fulin karno ayaabaan aaminsanahay habraaca tallaalka .

Ugu danbayn waxa aan madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muse Bihi Abdi  Usoo jeedinayaa oo aan weliba ka codsanayaa labo  qodob :

1 . Mudane madaxwayne waanu jeclayn aniga iyo dhakhaatiir dhallinyaro ah oo ka tirsan bahda caafimaadka JSL  oo aanu isku fikir nahay in aanu tallo kula wadaagno balse deyr adag oo aanaan kaa arkayn ayaa inoo dhexeeya .
2. Mudane Madaxwayne waxaan ku xasuusinayaa in nidaamka hab maamul ee wasaarada caafimaadka aad dib u eegto si loo dabooli baahiyaha iyo adeegyada caafimaadka ee qarankeena iyo bulshadeena aasaasiga u ah .



Waxaan kusoo gebogabaynayaa weedhii gabaygii muxumed liibaan jareer :

Aataabarayse iyo dhallaan ma afwadaagaane

Dr Abdilahi Mohamed Abdi , MD , Advanced trained of Forensic Medicine

Geedeeblehargeisa@gmail.com , tel # 0634710774

Work place : Hargeisa Group Hospital . 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured