Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo Shacab-weynaha Somaliland ee Wax Dooranaya kula Taliyey inay Ka Fiirsadan Dadkay Dooranayaan...

0
Thursday March 25, 2021 - 21:57:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo Shacab-weynaha Somaliland ee Wax Dooranaya kula Taliyey inay Ka Fiirsadan Dadkay Dooranayaan...

    Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo Shacab-weynaha Somaliland ee Wax Dooranaya kula Taliyey inay Ka Fiirsadan Dadkay Dooranayaan...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule oo Shacab-weynaha Somaliland ee Wax Dooranaya kula Taliyey inay Ka Fiirsadan Dadkay Dooranayaan...
Hargeysa(Xogreebnews)- Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule, ayaa Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee wax doorta kula taliyay in aanay Qabiil waxku dooran, hase-yeeshee ay eegaan qofkeebaa ku haboon Deegaanka ama Baarlamaanka. Sidaas waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyey bartiisa Facebook kasoo u dhigan sidan. 
"Bulsho ahaan Waynu Soo aragnay Qof aynu ku soo Saarno Qabiil ahaan, & Mid Aduunkiisa  Lagu Doortayba iyo Mid Dawlado Amaba Haya'ado kale dabada ka riixayaanba,dhib iyo dheefi kay doontaaba  haynooga Soo baxaane Waa mid aynu Tijaabadeeda Samaynay Dariiqooyinkaasi,Arrinka  inoo dhiman ee cadayntana u ah inaynu nahay Umad qiyam leh, waa inaynu Dooran karno iyagoo Intaas Sareba sharaxan yihiin, Shaqsi  Aan Sifaa sare layn oo ay Bulshadu la soo Baxday Aaminimada iyo Garashadiisa Caafimaadka qabta, Sidii ka dhacday Wadanka Tunis Ee lagu Doortay Madaxweynaha Hadda Talada Haya(Qays Saed)  Marka ay Bulsho go aankaas yeelato faa'iidooyin badan bay dhaxashaa oo aan qoraal lagu koobi karin, Cidina kuma talo-gasho oo inay u yeedhiso ama ay Si dadban u xukunto, waxana ka dhasha inay rabitaankooda isku maamulaan, waxna ugu bartaan, taasina wa ta horseeda inay dhaqso umadaasi u horumarto.
Haddaba Bal waxa ka dhalanayaa hanoo dambeeyaane, keliya ma is eegnaa inaynu  rabitaankeena Doorano, Ma is eegna inay jabino Sohdimaha inagu meersan, Ma kana bilownaa kuwaa Deegaanka iyo Baarlamaanka, Raganimo Waa in yaroo Cagaha Dhulka lagu Xejiyee, in yar ma adkaysanaa, Wallee Dhaxan aynaan waqti dheer aan inaga dhamaan baynu dhaxli doonaaye.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured