"Xadhiga Wasiir-hore Shacayb M. Muuse, Waxay Ibo Fur Iyo Astaanba u Tahay, Waayaha Siyaasadeed Ee Cusub Ee Aynu Galnay Iyo Dimuqraadiyadii Somaliland Oo Gabbal U Dumay"Xamse Khayre.

0
Friday March 26, 2021 - 01:35:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xadhiga Wasiir-hore Shacayb M. Muuse, Waxay Ibo Fur Iyo Astaanba u Tahay, Waayaha Siyaasadeed Ee Cusub Ee Aynu Galnay Iyo Dimuqraadiyadii Somaliland Oo Gabbal U Dumay"Xamse Khayre.

    "Waxa Lagu Soo Duulay Maaha Musharax Shacayb Ee Waa Xuquuqihii Distooriga Ahaa Ee Aynu Lahayn, Dhamaanteen Oo La Inaga Dafay"Aqoonyahan Xamse Khayre.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa Lagu Soo Duulay Maaha Musharax Shacayb Ee Waa Xuquuqihii Distooriga Ahaa Ee Aynu Lahayn, Dhamaanteen Oo La Inaga Dafay"Aqoonyahan Xamse Khayre.

Hargeysa(Xogreebnews)-Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre Oo Kamid ah Masuuliyiinta Xisbiga mucaaridka ee wadani Kana mid Ah siyaasiyiinta dhalinyarada Somaliland ayaa si kulul Ucanbaareeyay xadhiga sharci darada ah ee xukuumada Somliland kula kacday musharax Shucayb Maxamed Muuse oo ka sharaxan xisbiga Ucid Xildhibaanada golaha wakiilada gobolka maroodi jeex Isagoo hore  xilka wasiirnimo ah kazoo qabtay xukuumadii Axmed siilaanyo, soona noqday Maayarka Magaalada Gabiley oo caawa fiidkii ciidanka boolisku xabsiga utaxaabeen sifo sharci daro ah oo afduub ah, xili uu ku sugnaa huteelka soorsan ee Xaafada Jig Jiga Yar Ee Magaalada Hargaysa.

Sidoo kale Aqoonyahan Xamse Khayre ayaa xadhiga musharax shucayb ku tilmaamay in lagu soo duulay hanaankii dumuqraadiyada Somaliland ee dhamaan muwaadiniinta Somaliland balse aan shucayb oo kaliya duulaan lagu ahayn.


Dhana kale Aqoonyahan Xamse Khayre ayaa shacabka gobolada maroodi jeex iyo gabiley ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan dulmiga lagula kacay musharax shucayb isagoo xidhana ay doortaan.

Aqoonyahan Xamse Khayre Ex musharax golaha wakiilada M,j ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

"Xadhiga Wasiir-hore Shacayb M. Muuse (Iyo Murashixiintii Ka horaysayba) oo u taagnaa Murashaxnimada Golaha Wakiilada Maroodi-Jeex  waxay ibo fur iyo astaanba u tahay waayaha siyaasadeed ee cusub ee aynu galnay iyo dimuqraadiyadii Somaliland oo gabbal u dumay. Waxa lagu soo duulay maaha Shacayb ee waa  xuquuqihii dastooriga ahaa ee aynu lahayn dhamaanteen oo la inaga dafay.

Waxaa sii yaraanaya suurtagalnimada doorasho xor iyo xalaal ah kaga dhici karto.

Waxaan ereyadda ugu adag ku cambaaraynayaa falkaa isaga ah. Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha caddaaladu iney u celiyaan xorriyadiisii.

Dadka cadaaladda jecel ee Gobolka Gabiley/Maroodi-jeex ku nool waxaan ku boorinayaa iney doortaan Shacayb isagoo xidhan madaama dhamaan waraaqihiisii murashaxnimo Komishanku aqbalay, Xisbiga UCIDna siiyay Shahaadadii murashaxnimo.

FG: Walow aanu aad ugu kala duwan nahay aragtiyada siyaasadeed, taasi iima diidayso inaan dulmiga lagu hayo ka dhiidhiyo isaga iyo cid kasta oo kaleba. Waxaa kale oo beesha iyo deegaanka aanu nahay duudsi iyo xad-gudub ku ah in loo dooro cida ay dooranayaan.

Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre musharax hore golaha wakiilada gobolka maroodi jeex kana tirsan masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee wadani



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured