Xukuumada S/Land oo ku Fashilantay La Dagaalanka Covid-19, Fadeexadaha Dul-hoganaya W. Caafimaadka, Guddida & Adeeg Xumada Dhakhtarka Weyn Iyo Geerida uu Sababay Xanuunku oo Xadhkaha Goosatay. Warbixin Xogreebnews.

0
Saturday March 27, 2021 - 06:54:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada S/Land oo ku Fashilantay La Dagaalanka Covid-19, Fadeexadaha Dul-hoganaya W. Caafimaadka, Guddida & Adeeg Xumada Dhakhtarka Weyn Iyo Geerida uu Sababay Xanuunku oo Xadhkaha Goosatay. Warbixin Xogreebnews.

    Xukuumada S/Land oo ku Fashilantay La Dagaalanka Covid-19, Fadeexadaha Dul-hoganaya W. Caafimaadka, Guddida & Adeeg Xumada Dhakhtarka Weyn Iyo Geerida uu Sababay Xanuunku oo Xadhkaha Goosatay. Warbixin Xogreebnews.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada S/Land oo ku Fashilantay La Dagaalanka Covid-19, Fadeexadaha Dul-hoganaya W. Caafimaadka, Guddida & Adeeg Xumada Dhakhtarka Weyn Iyo Geerida uu Sababay Xanuunku oo Xadhkaha Goosatay. Warbixin Xogreebnews.
Hargeysa(Xogreebnews)- Xanuunka Coronavirus, ayaa bilihii u dambeeyey si weyn dunida ugu soo laba-kacleeyey, iyadoo Somaliland kamid tahay dalalka oo saamaynta badan ku yeeshay, soo laba kaclaynta xanuunkani, isagoo si xawliya u haleelayo Bulshada qaybaheeda kala duwan.
Haddaba todobaadkan u dambeeyey waxay Shabakada Warbaahinta Xogreebnews u dhabbo gashay sida ay Xukuumada Somaliland ugu diyaar-garoobayso la tacaalida xanuunkan iyo weliba halkii u ku dambeeyey qalabkii Caafimaadka qofka uu haleelo lagula tacaalayey, ee sannaadkii hore ay Guddida Somaliland ee  Coronavirus u Ururiyeen dhaqaalihii ka badna 8 Milyan ee Doollar.
Shabakada Xogreebnews waxay isha si dhow bishan u dambaysay ugu haysay adeegyada ay cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa uu u fidiyo bukaanada u haleelay Coronavirus iyo diyaar-garowga uu Kula tacaalayo masiibadan dunida saamaysay.
Bukaanada u haleelay Coronavirus, marka ay adeeg caafimaad soo bidan Dhakhtarka weyn ee Magaalada Hargeysa, ma helaan adeeg degdeg ah, sidoo kalena ma helaan hawlwadeeno caafimaad oo siiya, talooyin ama Daawooyinka lagula tacaalo. Waxa kaloo ay Bulshada u haleelay Coronavirus ee nafta soo bida cisbitaalka Magaalada Hargeysa, oo ah goobta ugu weyn dalka Somaliland ee qaranku leeyahay, isla markaana ah Hooyada goobaha caafimaad ee ku yaala Magaalooyinka Somaliland oo dhan, gobol, degmo ilaa tuulo, waxay kala kulmaan adeeg wada lacag ah iyo shaqaale aan u hagarbaxay bukaanka miciinka soo biday.
Baxnaanida koowaad ee Xanuunka Covid19, qofka u haleela waxa ah inuu bukaanku helo, Qalabka nacaska kasoo saara, maadaama oo u qofka uu haleelo inta badan ku dhejiyo naqaska. Waxa ay bukaanada u geeriyoonaya xanuunkan ay Dhakhtarka weyn ka waayeen Mishiinka naqaska iyo weliba cidii kula tacaali-lahayd ee ku xidhaysay. Sida uu Shabakada Xogreebnews u sheegay mid kamid ah ehelada qof adeeg xumo ugu dhintay Dhakhtarka weyn ee Magaalada Hargeysa, wallow u ka cudur daartay inaan la shaacin magaciiisa waxanu yidhi. "Waxaanu Keenay Adeerkay Dhakhtarka weyn ee Magaalada Hargeysa, waxa u baahna inuu helo Ogso-jiin, maadaama oo naqas hayo, waxanu ka waynay Dhakhtarka weyn ee Hargeysa cid na qaabisha, iyadoo aanu saacado daydayeeyeynay inaanu helo shaqaalihii qaabilsanaa iyo mishiinka naqaska, sidaas daraadeed waxa uu Geeriyooday adeeg xumo iyadoo ay tiisina gashay".
Hadaba iyadoo u sida yahay adeegyada u bixiyo Xarunta caafimaad ee Somaliland ugu weyn, waxa aan iyaduna qorshe lagula dagaalamayo xanuunka Coronavirus lahayn Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo marar aan badnay u ka hadlo Wasiirku sheegitaanka faafka xanuunkan, hase-yeeshee Wasiirka iyo wasaaradiisu wax ay Bulshada u haleelo ay u qabtaan lama hayo. Iyadoo sanaadkii hore lacag ka badan 8-milyan loo dhiibay Guddida heer qaran ee Covid-19, iyana lama ogga dalabkii ay sheegayeen in la dalbay halkuu maray iyo inaanu weli imanba?.
Sidoo kale, lama ogga meesha rasmi ahaan ay guddidu marisay shaqaalihii ganacsatada dalku ugu deeqeen la dagaalanka Xanuunka Coronavirus iyo deeqihii dawlada Somaliland la saaxibka ahi inoogu deeqeen, waxana maalin walba, Og-sojiin la'aan Cisbitaalada Magaalooyinka Somaliland ugu Geeriyooda Bulshada aad u badan oo u haleelay Coronavirus. 
Waxa kale, oo Bulshada si weyn ula yaaban tahay in aanay la dagaalanka Coronavirus doorkan aad moodo inay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay faraha ka qaaday, mana muuqdo Qorshayaal xukumadeed oo lagu samata-bixinayo la dagaalank Coronavirus iyo badbaadinta Bulshada. Waxa iyaduna aan qorshe badbaado  lagaga gaashaanto xanuunkan dunida Hala-keeyay lahayn Shacabka Somaliland oo ka hurda, isla markaana aan raacayn talooyinka iyo la dagaalanka Coronavirus.
Intaas oo dhan marka la isu-geeyo waxay dhashay inuu Xanuunka Coronavirus si xawliya ugu faafayo qaybaha Bulshada, iyadoo todobaadyadii u dambeeyey ay sadex jibaarmeen dadka u Geeriyooday xanuunka Covid19, waxana si weyn looga dareemaya Geerida Xadhkaha goosatay ee u sababaayo xanuunka Coronavirus Xabaalaha Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyo Tacsida tirada beeshay ee yaacaysa baraha Bulshada. 
Si kastaba ha haatee, waxa fadeexado Dul-hoganayaan Guddida Heer qaran ee Somaliland loo xil-saaray la dagaalanka Coronavirus, oo tuhuno badan oo Musuq-maasuq hadheeyeen meesha ay ku baxday dhaqaalihii loo dhiibay oo aanay Bulshaddu ku qancin xisaab celintooda iyo weliba faro-ka qaadista la tacaalida  Xanuunka Covid19, ee waqtigan, waxana xusid mudan in aanay haba-yaraatee guddidaasi qaban Shaqadii gurmadka ahayd ee qaranku u xilsaaray.
Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa gabi-ahaanba ku Fashilantay la tacaalida qofka uu haleelo Covid-19, waxanay Bulshada u dhibanaysa adeeg la'aan iyo Og-sojiin la'aan, lama ogga malaayinkii Dolar dalabkii ay kusoo Ibiyeen meesha u ku Dambeeyey iyo inuu shaqeeyo iyo in aanu imanba.
Halkan ka eeg shaxda deeqihii kala duwana  ee Guddida Covid-19 sheegeen inay soo Ibiyeen qalab, lacagayow,  Kadib Muwaadin adigu ka taxader qaadista Coronavirus iyo faafintiisaba, maadaama oo xaalku yahay dan kama leh Dawladaadii.⁰
Shaxda Lacagaha (in cash)
1. Dawladda  JSL Sanduuqa hawlaha caafimaadka  $ 1,500,000
2. Dawladda  JSL Sanduuqa qoys kaab  $1,000,000
3. Dawladda  JSL Sanduuqa shaqo kaab  $1,000,000
4. Dawladda  JSL Sanduuqa dalag kaab  $1,000,000
5. Shirkadda Telesom Kaash (raashin baa lagu iibiyay) $ 200,000
6. Shirkadda Dahabshiil Kaash (raashin baa lagu iibiyay) $ 200,000
7. Ganacsade C/R. Boore Kaash (Sanduuqa Caafimaadka)  $ 100,000
 Shaxda Agabka (in kind)
8. Shirkadda World Remit Agab /Qalab Caafimaad, qiimaha  $ 1,000,000
9. Shirkadda Telesom  Agab /Qalab Caafimaad, qiimaha $ 640,000
10. Shirkadda Dahabshiil Agab /Qalab Caafimaad, qiimaha $ 600,000
11. Ganacsade C/R. Boore Kaash (raashin baa lagu iibiyay) $ 70,000
 Isugayn Guud: $7,310,000 
Geesta kale, 
 Dawladaha
1. Dawladda Itoobiya,
2. Dawladda Imaaraat-ka Carabta (UAE),
3. Dawladda Shiinaha,
4. Dawladda Turkiga,
5. Dawladda Qadar.
Deeqaha Haayaduhuu bixiyeen.
 Hay’adaha
1. WHO,
2. UNICEF,
3. ADRA,
4. CARE International,
5. WORLD VISION,
6. IOM,
7. ARC International,
Deeqaha Shirkadaaha Diyaaraduhu bixiyeen.
 Shirkadaha
1. Shirkadda Flay Dubai,
2. Shirkadda Ali Baba,
 Ururrada
1. HARO,
2. HAVAYOKO,
3. ILAYS,
4. Muwaadin Bixiyey 1500 oo Af-saab (facemask).



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured