Guraasow, Maareeye Siciid Sida Wax-ba kuma Bixiyo, Xag-xagashada Awr-kiroolenimada ah iyo Xaqiraada Beenta ah Lagaga Wanaagsan!!!.

0
Thursday April 01, 2021 - 01:48:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guraasow, Maareeye Siciid Sida Wax-ba kuma Bixiyo, Xag-xagashada Awr-kiroolenimada ah iyo Xaqiraada Beenta ah Lagaga Wanaagsan!!!.

    Guraasow, Maareeye Siciid Sida Wax-ba kuma Bixiyo, Xag-xagashada Awr-kiroolenimada ah iyo Xaqiraada Beenta ah Lagaga Wanaagsan!!!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guraasow, Maareeye Siciid Sida Wax-ba kuma Bixiyo, Xag-xagashada Awr-kiroolenimada ah iyo Xaqiraada Beenta ah Lagaga Wanaagsan!!!.
Weriye Maxamed Guraase, oo in dhoweyd dibad-meer ka ahaa xirfada Warbaahineed iyo Xarumaha Warbaahinta uu ka hawlgeli jiray, gaar ahaana Telefishanka u Ehelnimada kaga shaqayn jiray ee HCTV, ayaa qoraal ay dabada ka riixayaan shaqsiyaad daha ku dhuunta, isla markaana kasoo hor-jeeda horumarka Dekeda Berbera sannooyinkii u dambeeyey ka hana-qaaday, usoo laqimeen xog been ah iyo Eeddo xaqiraad iyo xaasidnimo xambaarsan Weriye Guraase. Weriye Guraase, waxa uu Maamulka Telefishankaasi usoo adeegsan jiray marka uu Mashaaric kaga rux-ruxanaayo Dawlada, ama Siyaasi uu Mashruuc kusoo qaato.
Qoraalka u Guraase ku baahiyey bartiisa Facebook, waa mid xaqiiqada ka fog, sidoo kale na waa mid qof kasta oo Xog-ogaal u ah Dekeda Berbera iyo nidaamyada maamul ee jira, ay garanayso cida qortay inaanay Xog rasmiya ka hayn, balse dhadhamo raadis iyo xaasidnimo xambaarsan u yahay.
Hadaba, waxa haboonayd in uu Suxufi Guraase, raadiyo halka uu salka ku hayo khilaafka Maalmihii u dambeeyey u Dhexeeyey muruq-maalka Dekeda Berbera ee Geelayaasha iyo Shirkada DP World ee gacanta ku haysa rarista iyo rogista Dekeda.
Maareeyaha uu Weriye Guraase eeddaha shaqsi weerarka ah, ee weliba Beenta  cad xambaarsan uu kula kufay, waxa uu Madaxweynuhuu usoo Magacaabay Maareeyee Siciid Xasan Cabdilahi, iyadoo ay Dekeda Berbera muddo todobaad ah, aanay waxna kasoo dhoofin, waxna kasoo degin, isla markaana Albaabadu u xidhnaayeen. Kaddib markii Xukuumaddii waqtigaasi Maamulka Dekeda Berbera ku wareejiyeen Shirkada Dp Wold.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu isla todobaadkii u xilka la wareegay ku guulaystay inuu Damiyo, khilaafkaas oo u dheexeyey Dp World iyo Shaqaale-weynaha Dekeda Berbera, sidoo kale waxa uu ku guulaystay inay Shaqaaluhuu helaan, xuquqahoodii shaqaalenimo, iyo weliba Mushaharo aad u wanaagsan.
Maareeye Siciid waxa uu si weyn ku sanduleeyey, isagoo fulinaya Siyaasada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi, Shirkada Dp World inay fuliso Mashaaricda Horumarineed, oo ay kamid ahaayeen Qalabaynta iyo Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera.
Waxyaabaha kale, Rabbi ku asturay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi waxa kamid ah, inuu si weyn u tayeeyo Haayada Dekedaha, gaar ahaan qaybta Badda, waxanu Keenay Laba Taag Bout oo Casriya, kuwasoo hadda soo xidha Maraakiibta iyo sidoo kale Doon Casriya oo ay raacan Bayloodada ka hor-taga Maraakiibta.
Waxa kaloo xusid mudan inuu Maareeyaha Dekeduhu dhisay Dhisme Casriya oo ay leedahay Haayada Dekedaha Somaliland, kaasoo ka kooban 24 qol iyo laba Hool, waxanu dhismahaasi kor-u-qaaday bilicda Dekeda Berbera, oo kamid ah Muraayadaha laga qiimeeyo hanaanka dawladnimo, isla markaana ay baboon tahay in bilic soo jiidata cid kastoo dalka kasoo gasha ama boota. Sidoo kale, Maareeyaha Dekedaha Somaliland waxa uu Tabobar iyo aqoon korodhsi Balaadhan u sameeyey Shaqaale-weynaha Dekeda, dhamaan waaxyaha ay ka kooban tahay, waax-waaxna waxa u tayey shaqaalaheeda.
Arrinta hada khilaafkeedu ka taagan tahay Dekeda Berbera, ee  u leeyahay Maareeyuhuu muxuu u dhamayn waayey, waxa soo dhow soo afjarideedii, isla markaana waxa uu Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil, dhowaan ku guulaystee oo ku qanciyeen muruq-maalka Geelayaasha Dekeda Berbera inay joojiyaan shoobarada, isla markaana arrinta lagu dhameeyo wada-hadal iyo waan-waan, waxana uu qoraalka Guraase uu xaqirayaa guulaha is daba jooga ah ee Maareeyaha Dekedaha oo ah masuul dhalinyaro ah oo firfircoon uu gaadhsiiyey. Dawlada Somaliland iyo Maamulka Dekeda Berbera mar walba waxay garab taagan yihiin soo dhicinta xuquuqda Shaqaalaha ee Muwaadiniinta.
Xogreebnews. 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured