Mareykanka Oo Muddo Sanad Ah Ku Kordhiyay Cuna-qabateynta Dhaqaale Ee Saaran Somaliya.

0
Friday April 02, 2021 - 18:53:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Muddo Sanad Ah Ku Kordhiyay Cuna-qabateynta Dhaqaale Ee Saaran Somaliya.

    Mareykanka Oo Muddo Sanad Ah Ku Kordhiyay Cuna-qabateynta Dhaqaale Ee Saaran Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka Oo Muddo Sanad Ah Ku Kordhiyay Cuna-qabateynta Dhaqaale Ee Saaran Somaliya.

MUQDISHO(Xogreebnews)-Madaxweynaha dowladda Mareykanka Joe Biden  ayaa muddo hal sano ah ku kordhiyay cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Soomaaliya.

Cunaqabateynta ayaa soo soctay tan iyo laga soo bilaabo tan iyo markii uu dalkaasi madaxweynaha ka noqday Barack Obama, waxaana lagu waramayaa in madaxweyne Biden uu saxiixay warqadda kordhinta Cunaqabateynta Dhaqaalaha Soomaaliya ee loo cuksaday arrimaha dhanka amniga.

 

 

"Iyada oo la tixgalinayo xaalada nabad-galyo ee dalka Soomaaliya iyo Siyaasadda waxa ay ku socdaan meel khatar ah, Siyaasadda qaran ee Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu qiimeyay xaaladda aan caadi ahayn”  ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Aqalka Cad.

Madaxweynaya ayaa qoraalkan ku sheegay in uu xeerinayo  amarka Tirsigiisu yahay 13556 taas oo ka dhigan in uu sii soconayo 12-ka Bilood soo socota oo waxaa qiimeyn lagu sameynayaa sanad kadib sida ay sheegtay Warbaahinta Mareykanka oo si qoto dheer u gashay nuxurka cunaqatabeyntaas.

Dowladda Soomaaliya wax jawaab ah kama aysan bixin wali warkan ka soo yeeray madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joe Biden  ee muddada sanadkan ah ku kordhiyay cunaqabateynta dhaqaale ee Soomaaliya saaran.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured