Arrinkii U Dhexeeyay Safiya Tusmo iyo Cabdi Ciise Cajuun oo Lasoo Afjaray Iyo Fariin Loo Diray Bulshada Isticmaasha Social Media-yaha...

0
Friday April 02, 2021 - 22:33:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Arrinkii U Dhexeeyay Safiya Tusmo iyo Cabdi Ciise Cajuun oo Lasoo Afjaray Iyo Fariin Loo Diray Bulshada Isticmaasha Social Media-yaha...

    Arrinkii U Dhexeeyay Safiya Tusmo iyo Cabdi Ciise Cajuun oo Lasoo Afjaray Iyo Fariin Loo Diray Bulshada Isticmaasha Social Media-yaha...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arrinkii U Dhexeeyay Safiya Tusmo iyo Cabdi Ciise Cajuun oo Lasoo Afjaray Iyo Fariin Loo Diray Bulshada Isticmaasha Social Media-yaha...
Muddo ku dhaw toban cisho waxa baraha bulshada lagu hadal hayay sawirro iyo warar ku saabsan xaajo u dhexaysa labada qof ee aan magacooda kor ku xusnay. Dad badan ayaa siyaabo kala geddisan u faaqiday. 
Markii aanu dhegaysannay geesaha kala duwan, baadhnay ee aannu hubinnay sida ay wax u dhaceen, waxa ay noqotay in xal la keeno. Dhaqanka Soomaalidu uma garnaqo ragga iyo dumarka, waxa uu qaraarkani afmeer u yahay arrinkaas murgay.
Waxa aanu soo saarnay qodobbadan:
1. Aniga oo ku hadlaya afka samotaliska ka odayeeyay arrinka, waxa aannu raalligelin iyo garawshiyo buuxa ka bixinnaynnaa tacaddigii soo baxay ee liddiga ku ahaa karaamada iyo milgaha Safiya Tusmo oo ah haweenay reer Somaliland ah, qoyskeeda iyo haweenka Guud ahaan. Alle ha kashifo cidda faafisay sawirrada naxdinta abuuray.


2. Waxa aanu cambaaraynnaynnaa cid kasta oo erey, addin, adduun ama wuxuun ku darsatay naar-afuufka. Sumcadda dadku way ka weyn tahay wax view, share, comment iyo like lagu raadiyo. Cid kasta oo aan u gelin si xalkasnimo lehi, toban tallaabo dib ha u qaaddo. Beenabuurka ay dadka kale hawada marinayeen ayuu Cabdi Ciise Cajuun dhibbane u noqday. 
3. Waxa aanu ku baaqaynnaa in arrinkaas sumcad-dilka ah laga saaro Youtube, Warbaahinta bulshada sida Facebook iwm. Nacdali ha ku dhacdo cidda fidnada sii wadda.
4. Wixii ku saabsan arrimaha dhaqan ee guurku ma khuseeyaan baraha bulshada. Waxa lagu dhammayn doonaa geed, gole iyo guri dhaqan. Natiijo la Farxisa inta samaha jecel ayaa dhawaan soo bixi doonta. Madal ku habboon maaraynta ayaa xanaf kasta lagu tiri doonaa.
5. Qof kasta oo ku hawllan kalafogaynta ummadu wuxuu ku ciyaarayaa dhimbiilo naar ah. Qof katsaa ha u tudho aakhiradiisa.
6. Waxa aannu Guud ahaan bulshada ka codsanaynnaa inay nagala shaqeeyaan wanaagga iyo sidii foolxumada meesha looga saari lahaa.
Sidaas iyo gobannimo.
Siciid Maxamuud Gahayr.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured