Goorma ayey ahayd markii ugu horraysay ee bini'aadamku isticmaalo hubka 'biology' ga ah?. Qalinkii Siyaasi Cali Mareexan.

0
Sunday April 04, 2021 - 20:29:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goorma ayey ahayd markii ugu horraysay ee bini'aadamku isticmaalo hubka 'biology' ga ah?. Qalinkii Siyaasi Cali Mareexan.

    Goorma ayey ahayd markii ugu horraysay ee bini'aadamku isticmaalo hubka 'biology' ga ah?. Qalinkii Siyaasi Cali Mareexan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goorma ayey ahayd markii ugu horraysay ee bini'aadamku isticmaalo hubka 'biology' ga ah?. Qalinkii Siyaasi Cali Mareexan.
Sida la ogyahay, badi dalalka waawayn ee dunidu waxay haystaan hubka biology ga ah (biological weapon). Tusaale ahaan, waxaa la sheegaa in Ruushku hub ahaan u kaydsaday fayraskii  Furuqa ( Smallbox) oo aduunyada laga cidhib tiray 1977 sida ay sheegtay WHO.
Hubkaas isticmaalkiisu dunida waa ka mamnuuc oo sharciga aduunku ma ogola in la isticmaalo. Laakiin waxaa u diidaya in ay dawladaha waawayni isticmaalaan maaha sharciga mamnuucaya hubkaas waxaase jira mushkilado kale oo dawladahaas u diidaya in ay isticmaalaan, taas oo ah hadii ay farahooda ka saaraan oo ay ridaan wuxuu si sahal ah ugu faafayaa aduunka oo waxaa dhici karta in kuwii istimaalay uu dib ugu soo noqdo isagoo markan ah cudur aan la xakamayn karin.
Laakiin mararka qaar waxay si aan sharci ahayn u isticmaalaan hubka kimikalka ah oo isagu aan u faafayn sida kan Biology-ga.


Hadaba goorma ayey ahayd markii ugu horraysay ee hubkaa biology-ga ah la isticmaalo?
Sida ay sheegeen taariikh yahanadu 1347 kii ayaa Mangolian kii oo beryahaas  dunida farabaas ku hayey, waxay duulaan ku qaadeen jaziirada Crimia ee ku taal waqooyiga  Badda Madaw, waxaanay doonayeen inay halkaa ugu sii gudbaan Yurub.
Waxay iskuweer ka qabteen magaalo ku taalay Crimia oo istaraatiji ahayd oo la odhan jiray Caffa ( waa meesha iminka la yidhaahdo Feodosia).

Mangoliankii  waxay mari waayeen difaacii magaalada, maadaama oo ay lahayd berbi adag oo ku wareegsan, waxaanay iskuweer ku hayeen muddo dheer.
Hase yeeshee askartii Mangolianka oo aad u badnayd waxa ku dhacay daacuun halisa waxaanay u dhinteen tarab-tarab maydkuna wuxuu istuuray meelwalba. 
Markii xaalkii ku adkaaday ayaa hogaamiyahoodii oo la odhan jiray 'Jani Beg'  wuxuu amray in maydhka hub ahaan loo isticmaalo oo inta la saaro 'Manjaniiq' ---waa qalab berigii hore lagu dagaalami jiray inta dhagxaan waawayn la sooro cadawga lagu dhex basin jiray--  maydadka gidaarka xaga kale loogaga tuuro. Sidii ayey yeeleen waxaanay gidaarkii ka laliyeen kumanaan mayd. Maydadkii oo Fayriska sida ayey magaaladii sida roobka kaga dhigeen iyaga oo u isticmaalaya hub, sidii ayeyna magaaladii daacuunkii ku wada qaadsiinyeen. 
Wakhtigaas ayey ahayd markii ugu horraysay ee bini'aadamku hubka Biology-ga isticmaalo.
Sida ay qabaan taariikh-yahanadu, goobtaasi waxay ahayd halkii uu markii danbe ka faafay cudurkii  masiibada ahaa ee loo bixiyey "Dhimashadii Madoobayd" BLACK DEATH  ee badhtamihii qarniqii 14aad aduunka ka dilay sadex meelood oo meel. 
Markii Jasiiradii Crimia cudurkii wada qaaday, waxa uu u sii gudbay Constantinople( Istanbul)  wuxuu u dhaafay Giriiga iyo Talyaaniga sidaas ayuuna cudurkaasi ugu faafay Yurub iyo duni kale oo badan muddo toban sano ku dhaw ayaanay  dunidu la ildarnayd.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured