"Ka fadhiisiga siyaasada ee Dr Maxamed Cabdi Gaboose maaha arrin cusub oo hore ayuu dhawr jeer u xawilay, se waxaa nagu cusub". Siyaasi Musfate Cabdi Ciise 'Shiine'.
"Ka fadhiisiga siyaasada ee Dr Maxamed Cabdi Gaboose maaha arrin cusub oo hore ayuu dhawr jeer u xawilay, se waxaa nagu cusub". Siyaasi Musfate Cabdi Ciise 'Shiine'.
Hargeysa(Xogreebnews)- "Ka fadhiisiga siyaasada ee Dr Maxamed Cabdi Gaboose maaha arrin cusub oo hore ayuu dhawr jeer u xawilay, se waxaa nagu cusub in uu mihnadii uu ummadda iyo naftiisaba ku anfacay uu sheegay inuu iyana ka fadhiistay.
Markii ugu horeysay een la kulmaa waxay ahayd horaantii 1994kii isagoo xidhan surwaal Jiinis ah ah iyo shaadh madow barbaara leh oo ka soo baxay supermarket lagu magacaabi jiray Ramadaan oo ka soo horjeedi jiray xaruntii aanu ku soo saari jiray Wargeyskii Codka Hargeysa, markii lay sheegay ayaan ku dhaqaaqay iskuna sheegay anigoo ka rajaynaaya inuu waraysi I siiyo, maadaama uu in muddo ah fagaaraha siyaasada ka maqnaa, balse isagoo dhoola cadaynaaya oo weji furfuran oo soo dhawayni ka muuqato leh ayuu iiga cudur daartay inuu siyaasada ka fadhiistay.
Maalintaa waxa wararka qaar ay sheegayeen in ALLE ha u naxariistee marxuum Cigaal oo doonaayay shakhsi miisaan siyaasadeed leh oo xaafadda dhakhtarka ka soo jeeda, kaasina uu noqonaayo isla Digtoorka, balse arrinkaa waxuu ii sheegay inaanay waxba ka jirin.
Dr Gaboose maalintaa uu ii sheegay inuu ka fadhiistay siyaasada wuxu ii raaciyay in uu u baydhi doono oo uu shacabka ugu adeegi doono xirfadiisa caafimaad, haseyeeshee waxa maanta werwerkeeda leh inuu tiina raaciyay.
Si kastaba ha ahaatee waxa mihnad ka fadhiisigana kaga niyad samahay mar haddanu cisbitaalkii Haldoor aanu iibin oo uu weli isagu maamulihii iyo mulkiilihii yahay, kol hadduu joog-joogana naftaanba siinayn hawl uu garanaayo oo lagu ag wadwado inuu faraha ka laabto koluu xaga samafalkana qiil uga helo.
Weli fursadii siyaasadeed ee walaalkay Dr. Gaboose may dhiman ee way is yara deday, yaan tuushka loo cararin". Leave a comment |
|