Xadhiga Murashax Shucayb Maxamed Muuse Oo Saamayn Yeeshay Iyo Cadaalad Daradda Ku Hoos Lamaan Ujeedada Xadhigiisa!.

0
Monday April 05, 2021 - 00:29:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xadhiga Murashax Shucayb Maxamed Muuse Oo Saamayn Yeeshay Iyo Cadaalad Daradda Ku Hoos Lamaan Ujeedada Xadhigiisa!.

    Xadhiga Murashax Shucayb Maxamed Muuse Oo Saamayn Yeeshay Iyo Cadaalad Daradda Ku Hoos Lamaan Ujeedada Xadhigiisa!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xadhiga Murashax Shucayb Maxamed Muuse Oo Saamayn Yeeshay Iyo Cadaalad Daradda Ku Hoos Lamaan Ujeedada Xadhigiisa!.

HARGAYSA(Xogreebnews)-Murashax Shucayb Maxamed Muuse, oo Kamid ahaa Murashaxiinta Xisbiga Ucid uga Sharaxan Gobolka Gabiley, Doorashada Golaha Wakiilada Ayaa xidhan mudo 10cisho ah, kaasi xadhigiisa Siweyn Loo Hadalhayay Maalmihii u Dambeeyay, Kadib Markii ay Dibada usoo Baxeen Xogaha ku Saabsan Sida loola dhaqmey, iyo Xaalada uu Ku Sugan yahey, Taas, oo Si aad ah Loogu hadalhayo Goob  Kasta oo lagu Soo hadal qaado Doorashada, Xisbiyada iyo Tartanka Soo Socda, ee Loogu Magac Darey Doorashada Isku Sidkan ee Wakiilada iyo Golaha Deegaanka.

 

 

Xogaha ilaa iyo hadda Soo baxaya Baxaya ayaa Sheegaya in Cadaalad Darro badani ku Dhacdey nidaamka Loo Marey Xadhiga Muwaadinkan, iyadoo ay u Xidhan Yihiin Sedex  Muwaadin oo Kale oo iyagana lagu Cadaadiyay Xadhigna loogu Adeegsadey in ay Been ka Sheegaan, Murashax Shucayb Maxamed Muuse  kuwaas oo aan ilaa iyo hada Xukuumada iyo ka hadlin, tacadiga Loo Geystay Sababta Murashaxaasi Muwaadiniintaa Danyarta ah,  oo qoysaskooda Nolol Maalmeedka u Xoogsan Jirey ee mudada laba todobaada xidhan.

Sikasta oo ay Tahey Maalmahan Deegaano badan oo Katirsan, Gobolka Gabiley, ayaa iyaguna Dareeno cadho leh  Ka bixiyay in Talaabadan Foosha Xun uu Raali Ka Yahay Madaxweyne Muuse Biixi, taas oo Waxba kama jiraan iyo Biyo Col dhaanshay ka dhigaysa Codsiyada loo Gudbinayo, Madaxwyne Biixi, haseeyeeshee, Talaabadani Gees Kasta oo laga Istaago, ay u Muuqato, in Madaxweyne Muuse Biixi Cadaadis gaar ah ku Hayo Reer Gabiley halka ay iyagu Kalgacayl aanu u Qabin u Hayaan, Labadaa Qoddob oo isweydaarsan ayaa Nuxur u ah Fikirka ay Labada dhinac kala Qabaan Reer Gabiley  iyo Madaxwaynaha.

Iyadoo ka dadka siyaasada ka faaloodaa xadhiga musharax shucayb ku tilmaameen mid lagu hagar daamayno hankiisa islamarkaana ay awoodii dawlada uga faa,iidaysteen shakhsiyaad xukuumada katirsan oo iyagu doonaya in Ay xoog kaga reebaan musharax xisbiga kulmiye katirsan oo ay masuuliyiinta soo xusheen halka ay dhaawac ugaysatay hanaanka dimuqraadiyada Somaliland ee tartanka asxaabta siyaasada kaasi oo xukuumada madaxwayne biixi ay ku dhaliileen wadamada caalamka ee danayeena doorashooyinka Somaliland iyohaayadaha xuquuqal iinsaanku.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured