Guddida Doorashooyinka JSL oo Todobaad Dheeraad ah ku Daray Wajiga labaad ee Kaadh Qaadasha Gobolada Maroodi-jeex, Awdal iyo Togdheer....

0
Tuesday April 06, 2021 - 23:42:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Doorashooyinka JSL oo Todobaad Dheeraad ah ku Daray Wajiga labaad ee Kaadh Qaadasha Gobolada Maroodi-jeex, Awdal iyo Togdheer....

    Guddida Doorashooyinka JSL oo Todobaad Dheeraad ah ku Daray Wajiga labaad ee Kaadh Qaadasha Gobolada Maroodi-jeex, Awdal iyo Togdheer....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Doorashooyinka JSL oo Todobaad Dheeraad ah ku Daray Wajiga labaad ee Kaadh Qaadasha Gobolada Maroodi-jeex, Awdal iyo Togdheer....

Hargeysa (Xogreebnews)- Guddiga Dooraashooyinka Somaliland, ayaa Toddoba maalmood oo dheeraad ah ku daray Kaadh-qaadashada Codbixiyeyaasha ee gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Togdheer, kaddib markii ay soo gebo-gaboobeen saddex maalmood oo loogu talo-galay kaadh-qaybta saddexda gobol.

Hawl-wadeennada Kaadh-qaybinta ee Guddiga Doorashooyinka, ayaa ka sii qayb-gali doona goobo cayiman oo loogu talo-galay in hawsha kaadh-qaybintu ka sii socoto inta u dhaxaysa 04-ta bisha ilaa 10-ka bisha April.

Shaxda Hoose kaga bogo Goobaha loo cayimay ee hawsha kaadh-bixintu ka sii socon doonto gobollada Maroodijeex iyo Awdal.

Gobolka Maroodijeex, waxa ay Hawsha Kaadh-qaybintu ka sii socon doontaa goobo cayiman oo ku yaalla Degmooyinka gudaha iyo Nawaaxiga Caasimadda Hargeysa, Balligubadle, Alleybaday, Sallaxley iyo Wajaale.

 

Gobolka Awdal, waxa ay hawsha kaadh-bixintu ka sii socon doontaa goobo Cayiman oo ku yaalla degmooyinka Boorama, Baki, Lughaya, iyo Saylac.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured