Wixii la arki jiray Waxiisa lagu Akhriya, Wixii aan Jiri-jirina mid Subxaan Allaa laga Qabsadaa. Qalinkii Kayd Cabdilahi Xandule.

0
Thursday April 08, 2021 - 04:26:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wixii la arki jiray Waxiisa lagu Akhriya, Wixii aan Jiri-jirina mid Subxaan Allaa laga Qabsadaa. Qalinkii Kayd Cabdilahi Xandule.

    Wixii la arki jiray Waxiisa lagu Akhriya, Wixii aan Jiri-jirina mid Subxaan Allaa laga Qabsadaa. Qalinkii Kayd Cabdilahi Xandule.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wixii la arki jiray Waxiisa lagu Akhriya, Wixii aan Jiri-jirina mid Subxaan Allaa laga Qabsadaa. Qalinkii Kayd Cabdilahi Xandule.
Somalida ayaa hore waxay tidhi( wixii hore u jiri jiray waxiisa lays kaga akhriya, wixii aan jiri jirina Mid Subxaan alla laga yidhaahda) odhaahdani waxay Muujinaysaa ku kalsoonida baryada alle, iyo awoodiisa in lagaga Eerrto w wax kasta oo dhibaato leh, oo loo hayn wax lagu furdaamiyo, iminka waxaynu ognahay faafitaanka ba' an ee uu ku soconaayo Cudurkani Covid -19, in badana oo ah mudanteeniina uu galaaftay, in badanina ay la il-daran tahay xanuunkan, Daawana aan loo haynin ilaa hadda, miyaanay ahayn dad caqiido leh oo Aaminsan baryada alle, isna waydiiya waar Aan alle kaga Eerano alle, xanuunkan ina gooyey, yeynaan la taagnaan uun afka xidha, faraxasha iyo kala fogaada, aan xal keenayn, markay sidani dhacdo nin waliba wuxuu rumaysan yahay ayuu ku meel maraaye, mise waxaynu noqonay umad iimaankoodii Daciifay oo aan rajo ka qabin baryada Eebbe iyo Talo Saarashadiisa. Miyaanay ahayn Inaynu usugu soo baxno Rabi bari, laysuna soo ururiyo inteena loogu tuhunka badan yahay inay yihiin kuwa ducadooda alle aqbalaayo, dhawrsaanaan tooyada, alle ka cabsigooda, iyo xalaal miiradnimadooda, malaha si kale isu garan maynee reer walba laysu diro lana yidhaahdo, soo saara inta aad sifaha wanaagsan u tuhunsan tihiin, Sadex cishoba qolo alle barido, marka la soo wada maro ee  reer waliba   sadexdaa Cisho duceeyo. Haddana dhamaantood la kulmiyo oo la yiraahdo shan cisho alle inoo barya, dadka intooda kalena ay wada Soomaan mudadaa ducadu Socoto.
Haddii aynu samayno baryada alle ee aan kor ku soo xusay, laba arrin mid uun bay noqon lahayd oo waxaynu noqon lahayn umad alle baryadooda aqbalaayo oo jawaab dhaqso ah baynu arki lahayn, ama waxaynu noqon lahayn umad dib isu saxda oo waxa baryadooda loo aqbali waayey garata,  Labadaas ayaa inooga soo bixi lahayd, waxaadse moodaa inay raad weyn inagu yeelatay qodob ay wadaada hadda jiraa in badan meesha ka Saarayeen taasoo ahayd, inaan jammac loo ducaysan ee qof waliba gaarkii u ducaysto, waxay meesha ka saartay ducadii jamacca ahayd iyo lafti badan oo faaiido badan lahayd.
Waxan ku soo gabagabaynayaa arrintu meel cidhiidhiya ayey maraysaa, Socon wayday afartii  midhe, Aan talo kale keeno alle baryadiisa iyo talo saarashadiisa yaa nafsi  bay taagan tahaye inteena inoogu dhawrsan, alle ka cabsiga badan, ee xalaal miiradka ah. Aan soo xulno, si ay alle inoogu baryaan. Wabilaahi Tawfiiq.
Kayd Cabdilahi Xandule.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured