Waxgaraadka Beelaha Ciise Muuse Isku Raacay Inay Codkooda Gobolka Maroodi-jeex Siiyan Musharax Yaasin Xasan Cabdilahi iyo Musharax Cabdilahi Budle

0
Thursday April 08, 2021 - 20:09:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxgaraadka Beelaha Ciise Muuse Isku Raacay Inay Codkooda Gobolka Maroodi-jeex Siiyan Musharax Yaasin Xasan Cabdilahi iyo Musharax Cabdilahi Budle

    Waxgaraadka Beelaha Ciise Muuse Isku Raacay Inay Codkooda Gobolka Maroodi-jeex Siiyan Musharax Yaasin Xasan Cabdilahi iyo Musharax Cabdilahi Budle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxgaraadka Beelaha Ciise Muuse Isku Raacay Inay Codkooda Gobolka Maroodi-jeex Siiyan Musharax Yaasin Xasan Cabdilahi iyo Musharax Cabdilahi Budle

Hargeysa(Xogreebnews)- Musharax Xildhibaan Baarlamaan Yaasin Xasan Cabdilahi iyo Musharax Xildhibaan gole-deegaan Cabdilahi Maxamed Rooble oo ka sharaxan Gobolka Maroodi-jeex, ayaa hadhimo sharafeed qado ah, ku Maamusay Waxgaraadka iyo Haldoorka Beel-weynta Ciise Muuse.
Hadhimo sharafeed, ayaa daaranayd mid labada Musharax Cod ku waydiisanayaan Ciise Muusaha Hargeysa. Munaasibada ayaa waxa kasoo qaybgalay Sullaadiin, Cuqaal, Xildhibaano ka Tirsan golayaasha dalka iyo Haldoorka Beelaha Ciise Muuse, waxana halkaa hadalo isaggu jira guubaabo iyo Codsi iskaga dambeeyey Sulaadiin iyo Cuqaasha Beelaha Ciise Muuse, kuwasoo sheegay wixii Beelaha Ciise Muuse ee Hargeysa iyo Gobolka Maroodi-jeex ka qaatay Kaadhadhka Codbixiyaasha inay Codkooda oo Middaysan siiyaan Musharax Xildhibaan Baarlamaan Yaasin Xasan Cabdilahi iyo Musharax Xildhibaan gole-deegaan Cabdilahi Maxamed Rooble oo Beel-weynta Ciise Muuse uga sharaxan Gobolka Maroodi-jeex.


Suldaan Sayid Aw Jaamac iyo Suldaan Cabdi Xirsi Dhuux-yare oo kamid ah oday dhaqameedka beelaha Ciise Muuse, ayaa ugu baaqay Beelaha Ciise Muuse ee Gobolka Maroodi-jeex inay Codkooda oo Middaysan siiyaan labada Musharax ee kala ah Musharax Yaasin Xasan Cabdilahi iyo Musharax Xildhibaan gole-deegaan Cabdilahi Maxamed Rooble.
Sidoo kale marti sharaftii Munaasibada weedhaha guubaabada ah, ka yidhi waxa kamid ahaa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Aadan Sanqoole iyo Xildhibaano kale, kuwasoo Beel-weynta Ciise Muuse ugu baaqay Codkooda Hargeysa inay siiyaan Musharaxiinta kala ah Musharax Yaasin Xasan Cabdilahi iyo Musharax Xildhibaan gole-deegaan Cabdilahi Maxamed Rooble.
Waxa kaloo hadalka isaga daba-maray Cuqaal tiro badan iyo haldoor kale oo qiimo badan, kuwasoo Balan-qaaday inay middayn doonaan codka Ciise Muuse Hargeysa.
Gabo-gabadii Musharax Xildhibaan Baarlamaan Yaasin Xasan Cabdilahi, ayaa u mahad-naqay Haldoorka iyo labeenta Beel-weynta Ciise Muuse ee Balan-qaaday inay Codkooda oo middaysan siiyaan doonaan.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured