Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Musharax Sheekh Ibraahim Oo Katirsan Musharixiinta Xisbiga Ucid Ee Gobolka Maroodi Jeex

0
Saturday April 10, 2021 - 09:39:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Musharax Sheekh Ibraahim Oo Katirsan Musharixiinta Xisbiga Ucid Ee Gobolka Maroodi Jeex

    Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Musharax Sheekh Ibraahim Oo Katirsan Musharixiinta Xisbiga Ucid Ee Gobolka Maroodi Jeex

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Musharax Sheekh Ibraahim Oo Katirsan Musharixiinta Xisbiga Ucid Ee Gobolka Maroodi Jeex
HARGAYSA(Xogreebnewa)-Ciidamada Booliska Somaliland Ayaa Galabta Xabsiga Utaxaabay Xoghayaha Diinta Iyo awqaafta ee xisbiga Ucid Musharax Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen oo katirsan Umasharixinta xisbiga ucid uga sharaxan golaha wakiilada Gobolka Maroodi Jeex.
Sida ah noo xaqiijiyeen ehelada Musharax sheekh ibraahim ayaa sheegay in galaba canbaaro 5;00pm ay ciidanka booliska ka qabteen meherad ganacsi oo uu ku leeyahay xaafada shacabka ee magaalada hargaysa iyagoo ku xidhay xarunta danbi baadhista ee C.I.D, wallow aanay jirin cid soo aragtay Oo xaqiijinaysa in uu C,I,D Ku xidhan yahay.
Xadhiga musharax sheekh cabdi xuseen ayaa ah mid  loo marin nidaam sharci islamarkaana aan lagu xidhan waaran maxkamadeed, iyadoo ah maalinta ay ahayd maalin  jimce ah oo ay  fasax yihiin haayadaha dawladu balse kaliya lagu xidhay Awood ciidan,mana jirto wax danbi oo sida ay eheladiisu sheegeen uu faraha kula jiray,
Xukuumada madaxwayne biixi ayaa mudooyinkii udanbeeyay xadhiga awood sheegto kula kacday musharixiin faro badan oo katirsan xisbiga ucid oo kuwaasi oo ujeedada ka danbaysa xadhigoodu ay tahay sidii xoog loogaga reebi lahaa doorashada golaha wakiilada iyo deegaanka oo mudo yar ka hadhay wakhtigii loo mudeeyay in ay qabsoonta
Dhanka kale xadhiga musharixiinta xisbiyada mucaarid iyo falalka ay kula kacayso xukuumada madaxwayne bixi ayaa walaac ku abuuray shacabka reer somaliland kuwaasi oo ka warwar qaba in ay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah taasi oo ay keeneen talaabooyinka dimuqraadiyada iyo hanaanka xisbiyada badan ka baxsan ee ay xukuumadu ku beegsanayso musharixiinnta xisbiga ucid katirsan ee kasoo jeeda beesha madaxwayne biix oo ay si gaar ah ugaadhsanayso iyadoo uga dan leh sidii ay taageero qasab ah ugu samayn lahayd musharixiinta ka sharaxan xisbi xaakimka kulmiye 
Xadhiga ay xukuumadu ku gaadhsanayso musharixiinta xisbiyada mucaaridka gaar ahaan xisbiga ucid ayaa laga cabsi qabaa in ay dhaawac ku keento qabsoomida doorashooyinka iyo samcadii ay somaliland ku leedahay geeska, waxaana laga war sugi doonaa talaabada kama danbaysta ah ee ay xisbiyada mucaaridka kaga fal celiyaan xadhiga iyo muquuninta musharixiinta ee ay caadaysatay xukuumada madaxwaye biixi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured