Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Iyo Shacbigiisa, Guushii Ay Ka Soo Hooyeen Doorashadii Madaxtinimada Ee Dalkaasi

0
Saturday April 10, 2021 - 20:31:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Iyo Shacbigiisa, Guushii Ay Ka Soo Hooyeen Doorashadii Madaxtinimada Ee Dalkaasi

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Iyo Shacbigiisa, Guushii Ay Ka Soo Hooyeen Doorashadii Madaxtinimada Ee Dalkaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Iyo Shacbigiisa, Guushii Ay Ka Soo Hooyeen Doorashadii Madaxtinimada Ee Dalkaasi
Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Iyo Shacbigiisa, Guushii Ay Ka Soo Hooyeen Doorashadii Madaxtinimada Ee Dalkaasi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda Somaliland iyo ka shacbi weynaha, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa shacbiga iyo dawladda Jabuuti, guushii ay ka gaadheen doorashadii sida nabadgelyada ahayd uga qabsoontay dalkaasi jimcihii oo ay taariikhdu ahayd 09-04-2021, isagoo si gaara hambalyadaasi ugu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kale loo doortay hoggaaminta madaxtinimo ee dalkaasi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti horumarka ay Jabuuti ku tallaabsatay mudadii uu hoggaaminayay. labada dal iyo labada shacbi ee Somaliland iyo Jabuuti oo xidhiidh qoto dheeri oo soo jireen ahi ka dhaxeeyo, waxa uu madaxweynuhu u rajaynayaa inuu noqdo xidhiidh midho dhal ah oo sii xoogaysta.
Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu mar labaad ugu hambalyeynayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti guusha taariikhiga ah ee uu ka soo hooyay doorashadii dalkaasi ka qabsoontay, isagoo u rajeeyey Madaxweynaha, dawladda iyo Shacabka reer Jabuuti in ay ku waaran barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar.


ALLAA MAHAD LEH
 
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured