Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax oo Hambalyey Guusha Madaxweynaha Jabuuti ka Gaadhay Doorashadii Shalay...

0
Saturday April 10, 2021 - 21:30:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax oo Hambalyey Guusha Madaxweynaha Jabuuti ka Gaadhay Doorashadii Shalay...

    Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax oo Hambalyey Guusha Madaxweynaha Jabuuti ka Gaadhay Doorashadii Shalay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax oo Hambalyey Guusha Madaxweynaha Jabuuti ka Gaadhay Doorashadii Shalay...
Hargeysa(Xogreebnews)- Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa dhambaal Hambalyo iyo boggaadin ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele oo ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday Shalay Jimcihii.
Sidoo kale, Safiir Cabdifatax Siciid Axmed, waxa uu Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku Hambalyey garada wanaagsan ee ay ku garteen inay dib u doortaan hoggaamiyihii horumarka Qaranka Jabuuti dhidibada i taagay, kaasoo halkii kasoo wadi-doona horumarka ka hana-qaaday qaranka Jabuuti. 
Safiir Cabdifatax Siciid Axmed, waxa kaloo uu Shacabka iyo dawlada Jabuuti ku boggaadinaya habkii dimuqraadiya ahaa iyo nabad-gelydii ay ku dhacday doorashadii Jimcaha shalay ka qabsoontay dalka Jabuuti. 
Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti, waxa uu ku Tilmaamay Guusha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, guul usoo hoyatay guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan umadaha ku Hadla Afka Somaliga iyo Qaranka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo walaalnimada, jaar wanaaga ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.
Gabo-gabadii Waxa uu Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed uu ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti horumarka ay Jabuuti ku tallaabsatay mudadii uu hoggaaminayay. labada dal iyo labada shacbi ee Somaliland iyo Jabuuti oo xidhiidh qoto dheeri oo soo jireen ahi ka dhaxeeyo. Waxa uu Safiirku sheegay in Guusha Madaxweyne Geelle ay tahay mid taariikhiga ah oo uu ka soo hooyay doorashadii dalkaasi ka qabsoontay, isagoo u rajeeyey Madaxweynaha, dawladda iyo Shacabka reer Jabuuti in ay ku waaran barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured