Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo shaacisay inay ka xun tahay qaska Siyaasadeed iyo Dimuqraadiyad la'aanta ka jirta dalka la dariska ah ee Soomaaliya.

0
Wednesday April 14, 2021 - 22:15:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo shaacisay inay ka xun tahay qaska Siyaasadeed iyo Dimuqraadiyad la'aanta ka jirta dalka la dariska ah ee Soomaaliya.

    Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo shaacisay inay ka xun tahay qaska Siyaasadeed iyo Dimuqraadiyad la'aanta ka jirta dalka la dariska ah ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo shaacisay inay ka xun tahay qaska Siyaasadeed iyo Dimuqraadiyad la'aanta ka jirta dalka la dariska ah ee Soomaaliya.

Hargeysa(Xogreebnews)- Sidaasna waxa lagu sheegay War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxana lagu sheegay warmurtiyeedkaasi in Jamhuuriyadda Somaliland ay aad uga walaacsan tahay Jahowareerka siyaasadeed  ee ka jira Soomaaliya.

Waxa kaloo Xukuumadda Somaliland bayaamisay in is-mari-waagga Siyaasadeed ee Soomaaliya uu caddeyn u yahay kali-talisnimada Hoggaanka Farmaajo oo halis ku ah Ammaanka Mandaqadda  oo dhan, oo Soomaaliya ka ridi karta dagaalo sokeeye ooh or-leh oo ay  ku baro-kici karaan kumanaan qof oo ku soo qulquli kara dalalka jaarka ee ay Somaliland ka mid tahay.

Waxa kaloo Xukuumadda Somaliland ay intaas ku dartay in shacbiga Muqdisho ay isku-darsameen  kalitalisnimada iyo xadgudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee Dawladda Famaajo iyo dhibaatada kooxda Al-shabaab.


Xukuumadda Somaliland waxa ay ku ammaantay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay go’aankii ahaa  in Soomaaliya ay sii saarnaato cunoqabatayntii hubka, waxana ay Somaliland ugu baaqday beesha caalamka inay si dhow ula socdaan in aan wax hub ah laga soo iibin Soomaaliya.
War-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL, waxa lagu sheegay in  tan iyo markii Somaliland ay la soo noqotay madax-bannaanideeda ay noqotay xiddigta dimuqraadiyada iyo xasiloonida, isla markaana ay ka qabsoomeen Somaliland doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxa mar kale ay Jamhuuriyadda Somaliland  u dareeraysaa Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Baarlamaanka 31 Bisha May ee Sannadkan.

Xukuumadda JSL waxa ay ku boorrisay beesha caalamka inay toos ula soo xidhiidhaan Somaliland oo ay wax ka bartaan waayo-aragnimadeeda ku wajahan  la-dagaalanka Argagixisada, dhismaha Qaranimada hoosta laga soo bilaabay iyo qabashada Doorashooyinka Xorta iyo Xalaasha ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured