Isticmaalka Aaladda Enternetka. Qalinkii: Cabdixakim M.Cabdi (Samokaab)

0
Saturday April 24, 2021 - 00:58:10 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isticmaalka Aaladda Enternetka. Qalinkii: Cabdixakim M.Cabdi (Samokaab)

    Tirada bulsho ee ku nool qaarada Africa waxaa lagu qiyaasaa 1.4 Bln, waa 16.72% wadarta guud ee aduunka, waxaa isticmaala internetka 5.9 Mln, waxaa badan tirada aan isticmaalin internetka oo ah 6.9 Bln, waana sababta qaaradan afrika uga dambayso qaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada bulsho ee ku nool qaarada Africa waxaa lagu qiyaasaa 1.4 Bln, waa 16.72% wadarta guud ee aduunka, waxaa isticmaala internetka 5.9 Mln, waxaa badan tirada aan isticmaalin internetka oo ah 6.9 Bln, waana sababta qaaradan afrika uga dambayso qaaradaha dhigeeda ah. Tirada bulsho ee ku nool qaarada
Ramadaan Kariim
Alleh Mahad leh (Swt), Nebi Maxamed (Nnkh) baa sharaf leh
Hordhac:
Hadii alleh ka dhigo, qalin qoraalkan kooban waxa aan ku qaadaa dhigo doonaa isticmaalka internetka, sida aynu ka warqabno, qarnigan tirsigiisu socdo waa kii technology ga.
Dadka Aduunka ku nool waxaa lagu qiyaasaa celcelis ahaan 7.9 Bln, 100%. 
Tirada bulsho ee ku nool qaarada Africa waxaa lagu qiyaasaa 1.4 Bln, waa 16.72% wadarta guud ee aduunka, waxaa isticmaala internetka 5.9 Mln, waxaa badan tirada aan isticmaalin internetka oo ah 6.9 Bln, waana sababta qaaradan afrika uga dambayso qaaradaha dhigeeda ah.
Tirada bulsho ee ku nool qaarada Yurub (Europe) waxa lagu qiyaasaa 748 Mln, waa 9.78% wadarta guud aduunka, waxaa isticmaala internetka 727 Mln, waxaa badan tirada isticmaasha internetka marka loo eego tirada aan isticmaalin internetka oo ah 21 Mln. Waana sababta qaaradaasi uga horumarsan tahay qaradaha dhigeeda ah.
Tirada bulsho ee qaarada Aasiya (Asia) waxaa lagu qiyaasaa celcelis ahaa 4.7 Bln, waa 59.76% wadarta guud ee aduunka, waxaa isticmaala internetka tiro lagu qiyaaso 2.7 Bln, waxaa badan tirada isticmaasha internetka marka la barbar dhigo tirada aan isticmaalin internetka oo ah 2.0 Bln, Tirada bulsho ee qaarad Australia waa 25 Mln , waa 0.33% wadarta guud ee aduunka, waxaa isticmaala internetka tiro lagu qiyaaso 22 Mln, sidaa daraadeed waxaa ka yar tirada aan isticmaalin internet ka oo ah 3 Mln. 
Tirada bulsho ee qaarada Latin America waxaa lagu qiyaasaa 6.6 Mln,  waa 8.42% wadarta guud ee aduunka, waxaa isticmaala adeega internetka tiro lagu qiyaaso 1.6 Mln, waxaa ka badan tirada aan isticmaalin internet oo ah 5 Mln, Tirada bulsho ee nool North America waa 332 Mln, waa 4.73% wadarta guud ee aduunka, waxaa isticmaala internetka tiro lagu qiyaaso 298 Mln, waxaa yar tirada aan isticmaalin internetka oo ah 34 Mln.
Sidaa daraadeed Tirada guud ee bulsho ku nool aduunka waa 7.9 Bln waxaa isticmaala internet 4.7 Bln, Sidaa daraadeed waxaa yar tirada aan isticmaalin internet oo ah 3 Bln.
Gebogebo:
Sida ka muuqata tiro koobka lagu sameeyay isticmaalka internetka aduunka waxaa hubaal ah in qaaradba qaarada ay ka horumersen tahay ka isticmaalid badan tahay dhanka internetka. 
Qalinkii: Cabdixakim M.Cabdi (Samokaab)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured