Shirkada Daabacada ee Sagal-jet oo Adeegii ugu Casrisana ku Baahi-tirtay Musharaxiinta golaha Deegaanka iyo Wakiillada Sadexda Xisbi Qaran uga Sharaxna Dalka iyo Hab-farshaxanimo oo Soo Jiitay Dadweynaha...

0
Thursday April 29, 2021 - 04:46:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 588
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Shirkada Daabacada ee Sagal-jet oo Adeegii ugu Casrisana ku Baahi-tirtay Musharaxiinta golaha Deegaanka iyo Wakiillada Sadexda Xisbi Qaran uga Sharaxna Dalka iyo Hab-farshaxanimo oo Soo Jiitay Dadweynaha...

    Shirkada Daabacada ee Sagal-jet oo Adeegii ugu Casrisana ku Baahi-tirtay Musharaxiinta golaha Deegaanka iyo Wakiillada Sadexda Xisbi Qaran uga Sharaxna Dalka iyo Hab-farshaxanimo oo Soo Jiitay Dadweynaha...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkada Daabacada ee Sagal-jet oo Adeegii ugu Casrisana ku Baahi-tirtay Musharaxiinta golaha Deegaanka iyo Wakiillada Sadexda Xisbi Qaran uga Sharaxna Dalka iyo Hab-farshaxanimo oo Soo Jiitay Dadweynaha...

Hargeysa(Xogreeb)-Shirkada Daabacada casriga ah ee Sagal-jet, oo sannooyinkii u dambeeyey horumar Balaadhan ka samaysay daabacadaha kala duwan, ayaa dabooshay dhamaan baahi-yihii Sawiir, Astaan, Buugagta ama boodh ee ay qabtay Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo weliba Shirkada Sagal-jet u gudubtay Wadamada kale la jaarka ah Somaliland, kuwasoo ay iyana Bulshadooda ka haqab-tirtay baahiyahooda la xidhiidha dabacaadaha casriga ah, oo ah naqshadihii u dambeeyey.


Shirkada Sagal-jet, ayaa hadda soo kordhisay adeeg baahi-weyn loo qabay waqtigan, iyadoo dalka Somaliland gudihiisaku daabacaysa dhamaan Agabkii ay u baahnaayeen Musharaxiinta golaha Deegaanka iyo Wakiillada Somaliland oo wata Astaamaha Sadexda Xisbi iyo weliba kuwa Musharaxiinta, isla markaana loogu naqshadaynayo, kadibna loogu daabacayo Doorashada uu la yimi Musharaxu.
Adeegan ay soo kordhisay Shirkada Daabacada Casriga ah ee Sagal-jet, ayaa ah mid ayaa ah mid daboolay baahi-weyn oo ay qabtay Bulshaddu, isla markaana loo doonan jiray dalka Dibadiisa. Iyadoo uu ku bixi jiray kharash aad u badan. Waxanay Shirkada Sagal-jet keentay adeegii oo Casriya qiimihiisuna jaban-yahay.
Hadii aynu qodob-qodon si kooban u dul istaagno Nooca adeega iyo baahi-da loo qabo xiligan, waxa kamid ah waxyaabaha uu ka kooban yahay.
Shirkada Sagal-jet waxay Musharax kasta ugu daabacaysa Garaman, koofiyado iyo lebis kasta oo u doonayo Musharaxa gole deegaan ama Wakiilada astaantiisa oo ay ku lamaan tahay ta Xisbigiisa.
Waxa kaloo kamid ah, oo Shirkada Sagal-jet dalka Keentay inay Musharaxiinta ama cid kastoo danaysnaysa u daabacaysa fac-mas, maadaama oo waqti xaadirkan aduun-weynaha uu ka jiro Xanuunka Covid19, waxanay Shirkada Sagal-jet daabacaysa Favemas Sawiirka Musharaxu-ama musharaxaddu ku daabacan tahay, iyadoo weliba astaanta Xisbiga loogu naqshadeeyey. Sidoo kale waxa adeegan ka faaiidaysan kara Shirkada shaqaalaha badan leh ama Companyada dalka, si loo badbaadiyo nafaha bini-adamka.
Shirkada Sagal-jet, ayaa ah mida ugu weyn Shirkadaaha wax daabaca ee ku yaala dalka Somaliland, iyo Gobol kasta oo Somaliland ah iyo weliba Degmooyinka ku leh Xarumo, daabacaadeed, kuwasoo lagu reyey, isla markaana horumariyey adeegyada ganacsiyeed ee dadweynaha Somaliland.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured