"Berbera Waxey Geydaa iney la Tartanto Dekedaha adduunka ugu Weyn sida: Singapore, Shanghai iyo Jebel Cali, oo weliba ka istraatiijisan-tahay, Afrikada bari oo dhan oo 500 Milyan". Sheekh Maxamed Idiris oo kamid ah Culimada Somaliyeed.

0
Friday April 30, 2021 - 08:22:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Berbera Waxey Geydaa iney la Tartanto Dekedaha adduunka ugu Weyn sida: Singapore, Shanghai iyo Jebel Cali, oo weliba ka istraatiijisan-tahay, Afrikada bari oo dhan oo 500 Milyan". Sheekh Maxamed Idiris oo kamid ah Culimada Somaliyeed.

    "Berbera Waxey Geydaa iney la Tartanto Dekedaha adduunka ugu Weyn sida: Singapore, Shanghai iyo Jebel Cali, oo weliba ka istraatiijisan-tahay, Afrikada bari oo dhan oo 500 Milyan". Sheekh Maxamed Idiris oo kamid ah Culimada Somaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Berbera Waxey Geydaa iney la Tartanto Dekedaha adduunka ugu Weyn sida: Singapore, Shanghai iyo Jebel Cali, oo weliba ka istraatiijisan-tahay, Afrikada bari oo dhan oo 500 Milyan". Sheekh Maxamed Idiris oo kamid ah Culimada Somaliyeed.
Nairobi(Xogreebnews)-Sheekh Maxamed Idiris oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed, ayaa si weyn ugu boggaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumadiisa Mashaaricda Horumarineed Dekeda Berbera iyo Dhismaha Wadada Berbera Corridor. 
Sheekh Maxamed Idiris, waxa kaloo uu sheegay inay Dekeda Berbera istaahisho inay la tartanto, isla markaana markaana ka horumarto Dekedaha aduunka oo dhan, waxanu intaa ku daray inuu si weyn ugu faraxsan yahay Samaynta Biriishyada wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera. 
Sidoo kale, Sheekh Maxamed Idiris, waxa uu umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay taageeran horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsatay Somaliland, isla markaana lagu dhirigiyo, lagu Taageero. Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyey bartiisa Facebook kasoo u dhigan sidan. 
"Waxaan aad iyo aad ugu farxay una bogaadinayaa mashaariicda horumarineed ee ka socota Somaliland, gaar ahaan kuwii uu shalay kormeeray Madaxweyne Muse Biixi, ee Dekedda Berbera, iyo Buundooyinka waddada Berbera-Hargeisa, sida Dacar Buluq, Aw-barkhadle iyo Lafaruug, oo aan marar badan ka hadlay dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay. Farxad aad u weyn ayaan dareemay markii aan arkay muuqaalada quruxda badan, Ilaahayna waxaan ka baryayaa intaas iyo ka badanba inuu u hir geliyo Somaliland. Horumarka Somaliland waa horumarka dadka soomaaliyeed oo dhan.  Soomaaliyey yaan la xasdin somaliland, inta kale soomaalidu wax aaney qaban ayey qabteen iyadoo duruufta ku xeeran la ogyahay. Waxaa tusaale ugu filan: Inta doorasho madaxweyne oo qof iyo cod ah ay qabteen, haddana doorasho barlamaan ka socoto, halka Muqdisha iyo Garowe iyo Kismayo midna aaney ka hirgelin, ilaa haddana muranka ka taagan la ogyahay. Soomaali waxa halkaa dhigay waa inaan wax la isu oggolaan, libintana la isu qirin. 
Waxaan kale oo ku farxay hadalka Madaxweyne Muuse Biixi ee berbera: " Weli kow ma joogno, intani waa meel hoose, waxaan rabnaa dekedda berbera 5ta sano ama 20 sano ee soo socota intan 10 jibbaarkeed iney noqoto”. Waa hadal wanaagsan oo riyo fog muujinaya. Berbera wexey geydaa iney la tartanto dekedaha adduunka ugu weyn sida: Singapore, Shanghai iyo Jebel Cali, oo weliba ka istraatiijisantahay, Afrikada bari oo dhan oo 500 milyan ah ayey u adeegi kartaa. Halka 4 markab ama 10 markab maalinkii ku soo xiran karto, waxaan rabnaa sida Singapore 1000 markab maalinkii iney ku soo xirato, ama ka baxdo, hankeennu halkaas ha gaaro, Somaliland horay u soco, horumar baan Ilaahay kaaga baryey, waa maalin soon".




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured