Daawo oo Akhri Booliska Somaliland oo bandhiggay Caddaymaha ay u hayaan Musharraxiinta xidhan ee ku eedaysan in ay Soomaaliya xidhiidh la leeyihiin.

1
Sunday May 02, 2021 - 00:39:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo oo Akhri Booliska Somaliland oo bandhiggay Caddaymaha ay u hayaan Musharraxiinta xidhan ee ku eedaysan in ay Soomaaliya xidhiidh la leeyihiin.

    Daawo oo Akhri Booliska Somaliland oo bandhiggay Caddaymaha ay u hayaan Musharraxiinta xidhan ee ku eedaysan in ay Soomaaliya xidhiidh la leeyihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo oo Akhri Booliska Somaliland oo bandhiggay Caddaymaha ay u hayaan Musharraxiinta xidhan ee ku eedaysan in ay Soomaaliya xidhiidh la leeyihiin.

Akhri qoraalka Booliska. Maadaama Xili doorasho aynu galayno baryahana hadalo badan oo ku saabsan doorashada iyo murashaxiin la leeyahay Boolisku sifo sharci daro ah ayuu ku xidhay ayaa dhagaha bulshada ku soo noqnoqonaayey.

Hadaba Boolisku wuxuu idiin cadaynayaa Dadka ay waaranka u hayaan iyo faldambiyeedyada Lagu haysto waana sidatan hoos ku qoran.

1: Waa Musharaxad Kubra xasan Maxamuud oo mid ka mida Asxaabta Qaranka Somaliland Uga sharaxan Gobalka Togdheer Baarlamanka, Waxay Dhawaan tagtay Somaliya waxayna la soo shirtay Farmaajo Iyo madax kale Dhaqaalana ka soo qaadatay waxaana laamaha amaanku u hayaan Cadaymo muujinaya in ay gashay Dambi Khiyaamo Qaran ah( HIGH TREASON……

 

2: Waa Musharaxad Canab Cabdi Xirsi hada xamar ayeey ka sharaxantay 2021 hadana waxay uga sharaxantahay Baarlamaanka Xisbiyada Qaranka Somaliland mid ka mida Gobalka Sool Iyana waxay ku kacday Dambi khiyaamo qaran ah Ciidanku Cadaymaha Dambi ay u hayaan wax aka mida ………https://www.youtube.com/watch?v=p4_RS6H7uC8

3: Waa Musharax Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Faro) Oo isna ka sharaxan asxaabta Qaranka mid ka mida Gobalka Maroodijeex wuxuuna La soo Kulmay Siyaasiyiinta Ugu Waa Weyn Somaliya Boolisku isna Cadayntan ayeey u hayaan………

4: Waa Musharax Qaasim Aadan Saleebaan Waa gudoomiyaha habar Gidir Ee dhuusomareeb Hadana waa Af hayeenka Qaarada Yurub Ee Xisbiga WADDANI. Dhawaana masuuliyiin iyo siyaasiyiin fadaraalka Somalia ah Xamar intuu ka dagay ayuu la soo shiray, imikana Xisbiyada Qaranka Somaliland mid ka mida ayuu uga sharaxanyahay Baarlamaanka Gobalka Sool Boolisku isagana Cadaymaha Dambi ee uu u hayo wax aka mid ah.

Afartaa Eedaysane Ee koor ku xusan Laba xidhanyihiin laba maqanyihiin waxa loo hayaa Cadaymahaa aanu kor ku xusnay iyo Cadaymo kale oo Maxkamada Boliisku Hor keeni Doono.

Intaa waxa dheer cida u horaysa ee ay Dembiyada qaran ka galeen waa Xisbiyada qaranka ay ka sharaxan yihiin oo ay khiyaamo qaran ku sameyeen Booliskana waa ku waajib in ay waajibaadkooga sharci ilaalineed ka gutaan .

Fiiro Gaara Eedaysanaha Cadaynta Sawirka Hoos Ka Muuqda u haynaa

ALLE MAHAD LE



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured