Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE oo kulan muhiim ah la qaatay murrashaxiinta xisbiga ee Gobolka Saaxil

0
Thursday May 06, 2021 - 08:58:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE oo kulan muhiim ah la qaatay murrashaxiinta xisbiga ee Gobolka Saaxil

    Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE oo kulan muhiim ah la qaatay murrashaxiinta xisbiga ee Gobolka Saaxil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE oo kulan muhiim ah la qaatay murrashaxiinta xisbiga ee Gobolka Saaxil
Berbera:5/05/2021(Xogreebnews)-Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa caawa magaalada Berbera kulan muhiim ah kula yeeshay dhammaanba murrashaxiinta goleyaasha wakiillada iyo deegaanka uga sharraxan guud ahaanba gobolka Saaxil iyo degmooyinka hoos yimaadda.

Kulankan oo ay guddoomiyaha ku wehelinayeen, xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiyaha gobolka Saaxil, maayarka degmada Berbera, xoghayaha fulinta ee dawladda Hoose ee Berbera iyo dhammaanba xubnaha doorashada soo socota ee goleyaasha Deegaanka iyo wakiillada ku meteli doona xisbiga KULMIYE, ayuu nuxurkiisu ahaa sidii uu xisbigu u abaabuli lahaa tartamayaashiisa, loona dhegaysan lahaa Afkaarta murrashaxiinta iyo aragtiyahooda la xidhiidha sidii wada-jira iyo isku-duubni loogu waajihi lahaa doorashada.


Sidoo kale, waxa uu hoggaanka xisbigu xubnaha murrashaxiinta ah u caddeeyey inay xisbi ahaan taageero ballaadhan la garab joogaan, dhinaca murrashaxiintana looga baahan yahay in la diyaariyo muraaqibiin daacadnimo, karti iyo xisbinimo lagu hubo oo maalinta codaynta ka hawlgala goobaha kala duwan ee ay codayntu ka dhacayso, taas oo ay murrashaxiintuna si weyn usoo dhaweeyeen.

Qaar kamid ah xubnaha murrashaxiinta ah oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey kulanka uu guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbigu u qabtay, waxana ay ballan qaadeen inay dardargelin doonaan dedaallada ay ku xaqiijinayaan gaadhidda hammigooda dhinaca guusha ah, una diyaar yihiin inay galaan olole bilaa turxaan ah oo ku kusoo bandhigayaan Barnaamujiyadooda waxqabad, kuna kasbanayaan taageerayaashooda.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere oo madasha soo xidhay, ayaa si waayeelnimo leh ula dardaarmay xubnahan murrashaxiinta ah ee xisbiga metelaya, waxana uu usoo jeediyey inay soo xushaan muraaqibiin daacad ah oo xisbinnimada Aaminsan, islamarkaana ay taageerayaashooda usoo bandhigaan Barnaamijyo soo jiidasho leh, xaqiiqda ku fadhiya, kana shaqeeyaan wada-jirka bulshada, xisbinnimadana ka dhigtaan mid ay ku dhaataan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured