Alle Haw Naxariistee Hal Wiil ayaa Ku dhintay Balli ku yaalla Duleedka Koonfureed Ee magaalada Hargeysa.

0
Friday May 07, 2021 - 00:54:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alle Haw Naxariistee Hal Wiil ayaa Ku dhintay Balli ku yaalla Duleedka Koonfureed Ee magaalada Hargeysa.

    Alle Haw Naxariistee Hal Wiil ayaa Ku dhintay Balli ku yaalla Duleedka Koonfureed Ee magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle Haw Naxariistee Hal Wiil ayaa Ku dhintay Balli ku yaalla Duleedka Koonfureed Ee magaalada Hargeysa.
Hargeysa _(Xogreebnews)_ Alle Haw Naxariistee Wiil 23 Jir ah oo lagu magacaabo Cali Carab Aadan ayaa ku Dhintay Balli ku yaalla magaalada Hargeysa duleedka koonfureed ee Masalaha caasimada Hargeysa gaar ahaan balliga lagu magacaabo balliga Xariir.
Ehelada marxuumkaas ayaa ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa 9:09 am ku soo wargeliyay balse waxay ciidanka u soo sheegeen wakhti dambe waxaanay soo dalbadeen in Maydka laga soo saaro Balliga, kadibna Ciidanku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan isla markaana ku dhib muteen soo saaristiisa.
Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Hargeysa Balliga ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista.
Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastaba shacbiweynaha Somaliland, fariintaas oo ah In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.
More information 
Cabdiwahaab Toox
Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/Somaliland
Info@somalilandfire.com
Somalilandfire@gmail.com
www.somalilandfire.com 
990 Emergency Call


https://www.facebook.com/DabdemiskaSomaliland/


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured