Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-Afweyn

0
Friday May 07, 2021 - 19:38:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-Afweyn

    Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-Afweyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-Afweyn
Hargeysa:07/05/2021(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo oo arrimaha xisbiga la xidhiidha u jooga gobollada bariga dalka, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-Afweyn.

Ugu horrayn shacabka degmada Gar-adag, masuuliyiinta xisbiga, kuwa dawladda,murrashaxiinta,taageerayaasha xisbiga, waayeelka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa weftiga kusoo dhaweeyey gudaha magaalada Gar-adag, waxana ay xubnaha weftigu halkaas kala hadleen dadweynihii soo dhaweeyey, iyaga oo uga mahadnaqay jacaylka iyo kalsoonida weyn ee ay u muujiyeen, waxana ay kula dardaarmeen inay ilaashadaan isku duubnidooda iyo wada-jirkooda, maalinta doorashadana ay codkooda ku hubsadaan inay siiyaan murrashaxiinta xisbiga uga sharraxan goleyaasha deegaanka iyo wakiillada.


Xubnah weftiga, ayaa shir gaar ah la qaatay xubnaha murrashaxiinta golaha deegaanka ee degmada Gar-adag, waxana ay iska xaal-waraysteen hawlaha ololaha ee ay ku jiraan, iyagoo kula dardaarmay inay doorashada si adag ugu diyaar garoobaan ololahoodana ka dhigaan mid hufan oo aan turxaan lahayn.

Madaxda xisbiga ee gobolka Sanaag, degmada Gar-adag iyo qaar kamid ah waayeelka reer Gar-adag oo munaasibadda soo dhaweynta hadallo kooban ka jeediyey, ayaa weftiga u sheegay inay degmadu tahay xuddunta xisbiga KULMIYE, islamarkaana ay taageero buuxda u hayaan xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Sidoo kale, waxa ay weftigu u kaceen dhinaca degmada Ceel-Afweyn, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen boqolaal kamid ah shacabka degmadu, kuwaas oo lulayey astaamaha xisbiga KULMIYE iyo caleemo qoyan, islamarkaana ay ka muuqatay sida ay ula dhacsan yihiin waxqabadka uu xisbiga KULMIYE dalka ka hirgeliyey muddadii uu talada hayey.

Masuuliyiinta weftiga oo uu horreeyo guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere oo shacabka reer Ceel-Afweyn la hadlay, ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta ballaadhan iyo taageerada ay u muujiyeen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured