Xukuumadda Jsl Oo Ka Hadashay Sababta Masuuliyiinta Dawladda Ee Xanuunsada Loo Dhigi Waayo Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa.

0
Saturday May 08, 2021 - 04:59:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Jsl Oo Ka Hadashay Sababta Masuuliyiinta Dawladda Ee Xanuunsada Loo Dhigi Waayo Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa.

    Xukuumadda Jsl Oo Ka Hadashay Sababta Masuuliyiinta Dawladda Ee Xanuunsada Loo Dhigi Waayo Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Jsl Oo Ka Hadashay Sababta Masuuliyiinta Dawladda Ee Xanuunsada Loo Dhigi Waayo Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa.

Hargeysa(Xogreebnews)-Xukuumadda Somailand, ayaa ka hadashay Sababta Masuuliyiinta Dawladda ee Xanuunsada loo dhigi Waayo Cisbitaalka guud ee Hargeysa ee Dawladda isla-markaana loo dhigo Cisbitaallada gaarka loo leeyahay ama Dalka dibeddiisa loogu qaado.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi oo la hadlay Telefiishanka MM, ayaa sheegay in sababtu tahay inay jiraan Xanuuno aan lagu dawayn Cisbitaallada Dawladda ama kuwo gaarka loo leeyahay, taasina keenayso in Qofka masuulka ah ama Qofka kale ee awoodaya dalka dibeddiisa loo qaado.



Wasiir Cumar oo su’aasha arrintaa laga waydiiyey ka jawaabayaa wuxuu yidhi "Waxa jira Adeegyo aanaan bixin, haddii Maanta Qof u baahdo Qaliin Wadnaha ah Hargeysa ama Somaliland laguma sameeyo, waana arrin iska caadiya, Waayo? innaga uun maaha ee Adduunyada dalal innaga dhaqaale iyo Farsamo badan ayaan weli gaadhin inay adeegyada qaar bixiyaan.”

Wasiirku wuxuu sheegay "Annagu Kansar ma dawayno, laakiin Qorshisa ayaanu ku jirnaa, Wadnaha ma qallo, inkasta oo aan aad ugu Mahad celinayno dhakhtarka Gargaar oo bilaabay Qaybo ka mid ah, markaa waxa jira xanuuno badan oo aynaan innagu halkan adeegyadooda ku bixin karin (Cisbitaalka guud ee Hargeysa), markaa ceeb naguma ah (inaan Masuuliyiinta la dhigin Cisbitaalka guud ee Hargeysa), laakiin waa meel aynu hiigsanayno, waa xaq loo leeyahay in la helo, laakiin aqoonteedii, Qalabkeedii iyo Farsamadeedii waynu urursanaynaa oo waynu ku soconaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Cisbitaalka guud ee Hargeysa aanay Hay’aduhu taageerin, isla-markaana uu daawooyinkiisa soo iibsado.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured