Mawjado dadweyne ah oo Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo kusoo dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo iyo deegaannada dhinaca Galbeed kaga teedsan

0
Saturday May 08, 2021 - 18:41:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mawjado dadweyne ah oo Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo kusoo dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo iyo deegaannada dhinaca Galbeed kaga teedsan

    Mawjado dadweyne ah oo Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo kusoo dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo iyo deegaannada dhinaca Galbeed kaga teedsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mawjado dadweyne ah oo Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo kusoo dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo iyo deegaannada dhinaca Galbeed kaga teedsan
Ceerigaabo:8/05/2021(Xogreebnews)-Kumannaan iyo kumannaan kamid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE, ayaa maanta magaalooyinka Kalmac, Kalsheekh, degmada Yufle iyo Ceerigaabo kusoo dhaweeyey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo xukuumadda iyo xisbiga katirsan oo safar shaqo ku jooga gobolka Sanaag.
Weftiga oo saaka ka ambobaxay magaalada Ceel-Afweyn, ayaa ugu horrayn si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaannada Kal-mac iyo Kalsheekh, halkaas oo ay ku qaabileen dadweyne tiro badan oo katirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, kuwaas oo lulaya caleemo qoyan iyo astaamaha gaarka ah ee xisbigu iska leeyahay, kuwaas oo ay wehelinayaan murrashaxiinta xisbiga ee uga sharraxan goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee kasoo jeeda deegaamadaas.
Degmada Yufle, ayey sidoo kale kaga wefiga ku qaabileen taageerayaal tiro badan oo xisbiga KULMIYE ahi, iyaga oo xubnaha weftiguna halkaas uga mahadnaqay dadweynaha soo dhaweeyey, kuwaas oo ay ka muuqatay farxad iyo taageero dhammaystiran oo ay hayaan hoggaaminta xisbiga KULMIYE.
Taageerayaal tiro badan oo ku dhaqan gudaha magaalada Ceerigaabo oo gaadiid tiro badan wata, islamarkaana ay hoggaaminayaan maamulka xisbiga ee gobolka Sanaag iyo murrashaxiinta xisbiga gobolka iyo degmooyinkiisa uga sharraxan, ayaa weftiga kaga hortegay dhinaca Galbeed magaalada, waxana ay usoo galbiyeen dhinaca gudaha magaalada Ceerigaabo oo ay kusoo wareejiyeen, waxana uu guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbigu halkaas kala hadlay taageerayaasha xisbiga, isaga uga mahadnaqay soo dhaweynta milgaha leh ee ay usoo sameeyeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured