Reer Dacarbudhuq oo Aan u Kala Hadhin Soo Dhoweynta Madaxweynaha iyo Labada Musharax Yaasin Xasan Cabdilahi Iyo Cabdilahi Budle oo Degmada Laasgeel uga Sharaxan Gobolka Maroodi-jeex...
Reer Dacarbudhuq oo Aan u Kala Hadhin Soo Dhoweynta Madaxweynaha iyo Labada Musharax Yaasin Xasan Cabdilahi Iyo Cabdilahi Budle oo Degmada Laasgeel uga Sharaxan Gobolka Maroodi-jeex...
Dacarbudhuq(Xogreebnews)-Musharaxiinta isku Sidkan ee golaha Wakiilada JSL iyo Deegaanka uga sharaxan Beel-weynta Ciise Muuse Gobolka Maroodi-jeex, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Dacarbudhuq ee Xarunta degmada Laasgeel.
Labada Musharax Yaasin Xasan Cabdilahi iyo Cabdilahi Budle, oo kamid ah Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye uga sharaxan Gobolka Maroodi-jeex, oo kamid ahaa waftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo safar Galabta ku maray Magaalada Dacarbudhuq, ayaa waxa halkaa si weyn ugu soo dhoweeyey Shacab-weynaha Magaalada Dacarbudhuq, kuwasoo ku lebisan Caalamada Xisbiga Kulmiye, iyo Astaanka Kaluunka ah ee Musharax Xildhibaan Baarlamaan Yaasin Xasan Cabdilahi iyo Musharax Xildhibaan gole-deegaan Cabdilahi Maxamed Rooble (Cabdilahi Budle), oo ay gabi-ahaanba taageersan yihiin dadweynaha Magaalada Dacarbudhuq.
Dadweynaha ayaa si kal iyo laab ah isoo dhoweyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi iyo labada Musharax ee Deegaankaas kasoo jeeda.
Sidoo kale, Taageerasha Musharaxiinta golaha Wakiilada Somaliland Yaasin Xasan Cabdilahi iyo Deegaanka Cabdilahi Budle, ayaa maanta gelinkii hore Wacdaro layaab leh iyo Taageeraal cudud badan kusoo Bandhigay magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda, kuwasoo sawaxan iyo mashxarada labada Musharax si weyn looga dareemeyey Degmooyinka Magaalada Hargeysa.
Leave a comment |
|