Xildhibaanada Wakiilada ee Kasoo Baxay Xisbiyada mucaaridka oo Kiyuu ugu Jira 24-kii Saacadood ee u dambeeyey Madaxtooyada iyo kulamo gooni-gooni ah oo Madaxweyne Muuse Biixi ku qaabilay...

0
Tuesday June 08, 2021 - 22:30:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Wakiilada ee Kasoo Baxay Xisbiyada mucaaridka oo Kiyuu ugu Jira 24-kii Saacadood ee u dambeeyey Madaxtooyada iyo kulamo gooni-gooni ah oo Madaxweyne Muuse Biixi ku qaabilay...

    Xildhibaanada Wakiilada ee Kasoo Baxay Xisbiyada mucaaridka oo Kiyuu ugu Jira 24-kii Saacadood ee u dambeeyey Madaxtooyada iyo kulamo gooni-gooni ah oo Madaxweyne Muuse Biixi ku qaabilay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Wakiilada ee Kasoo Baxay Xisbiyada mucaaridka oo Kiyuu ugu Jira 24-kii Saacadood ee u dambeeyey Madaxtooyada iyo kulamo gooni-gooni ah oo Madaxweyne Muuse Biixi ku qaabilay...
Hargeysa(Xogreebnews)- Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo qasriga Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegaya in 24-kii saacadood ee u dambeeyey ahayd mashquul, Kadib markii ay si weyn ugu qulqulayaan Xildhibaanada golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ee cusub, kuwasoo ah intooda badani kuwii kasoo baxay Xisbiyada mucaaridka. 
Warar u dhuun-daloola dhaqdhaqaaqyaas oo ay heshay Shabakada Xogreebnews, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi si hoose raxan-raxan ugu qaabilayo Xildhibaanada kasoo baxay Xisbiyada Mucaaridka. Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha mudanayaasha cusub ka Wadahadlayaan doorashada Shir-gudoonka Baarlamaanka cusub. 
Wararku waxay intaa ku Dareen in kulamada Madaxweynaha iyo Xildhibaanadu intooda badan kusoo dhamaaday is afgaraad.
Dhaqdhaqaaqa Madaxweynaha iyo xod-xodashada Xildhibaanada cusub, ayaa kusoo beegmaya xili Xisbiyada mucaaridku isku bahaysanayaan xulufo cusub oo ay doonayaan inay ku qabsadaan Shir-gudoonka golaha Wakiilada Somaliland. 
Waxanay Xukuumada u wadataa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada cusub Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Professor Yaasin Faratoon, halka Xisbiyada mucaaridku u wataan Siyaasi Cabdirisaq Khaliif oo hore u ahaa Wasiirkii hawlaha guud ee Xukuumadii Axmed Siilaanyo. 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured