Maxamuud Xaashi Ma Kulmiyaa Mise Waa Mucaarad?. Qalinkii Cabdraxmaan Cabdillaahi Xasan.
Maxamuud Xaashi Ma Kulmiyaa Mise Waa Mucaarad?. Qalinkii Cabdraxmaan Cabdillaahi Xasan.
Sida ay bulshada somaliland ka wada dheregsan tahay Maxamuud Xaashi Cabdi, sanadihii u danbeeyey waxaa soo wajahay jaahwareer siyaasadeed, taasoo ay sababtay siyaasadiisa oo ah mid aan qaan-gaadh ahayn, balse ku salaysan munaafaqad iyo isku dirka bulshada.
Tan iyo markii ay timid dalka xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu dagaal kula jirey xukuumadda iyo wasiirada ka soo jeeda bariga Burco, iyada oo la wada ogyahay 7 sano oo uu wasiir ahaa Maxamuud Xaashi sidii wanaagsanayd ee loola shaqeeyey kursigana loogu ixtiraamay, iyada aanay jirin cid ka hortimid Maxamuud Xaashi mudadaa dheer ee uu wasiirka ahaa.
Maanta maxamuud Xaashi waxaa uu ka xun yahay raga xukunka haya oo uu la dagaalamayaa ragii shalay kursiga ku ixtiraamayey taasoo muujinaysa in Maxamuud Xaashi uu doonayo keligii in uu wax ahaado oo aan qof kale wax noqon, waana maan-gaabnimo siyaasadeed iyo annaaninimo ninka siyaasiga ahi waa ninka maalinta uu kursiga ku fadhiyona macnihiisa garta maalinta qayrkii ku fadhiyona ku ixtiraama.
Xildhibaanada cusub ee Bariga Burco iyo Maxamuud Xaashi.
Maxamuud Xaashi sidii caadada u ahayd wuxuu isku deyey in uu isku sawiro xildhibaanada cusub ee ka soo baxay bariga Burco,sanaag iyo cayn isaga oo inta uu ciyaal dirtay oo lacag yar u qaybiyey yidhi facebooga igu ammaana waxaad tidhaahdaan xildhibaanada badan ee u soo baxay Habarjeclo Maxamuud Xaashi baa soo saaray” taasoo been ah soo saaris daayo waxaa uu la dagaalamay rag badan oo ka sharaxnaa beesha Habarjeclo waxaana uu isku deyey in uu burburiyo, isaga oo la shaqaynayey xisbiyada mucaaradka ah ridayana xisbiga Kulmiye ee uu weli ku gabanayo.
Maxamuud Xaashi waxaa uu safar ku maray gobolada bari isa oo u ololaynayey xisbiyada mucaarad iyo xildhibaanada ka sharaxan in soo saaro Kulmiyena la rido, waxaa Ayaan darro ah in Maxamuud Xaashi uu badheedhi kari la’yahay bulshadiina ay ku dawakhday xisbiga uu ka tirsan yahay, taasoo muujinaysa kalsooni darrada haysata Maxamuud Xaashi .
Xildhibaanada soo baxay ee habarjeclo waxay ku soo bexeen kartidooda iyo aragtidii ay bulshada u soo bandhigeen, xildhibaanada ka soo baxay xisbiga Kulmiye waxaa soo saaray oo gacan ka geystey wasiirada Bariga Burco oo xukuumada iyo xisbiga kulmiye u metela degaankaas.
Ma jirto wax saamayn ah iyo wax door ah uu ku leeyahay maxamuud Xaashi xildhibaanada soo baxay ee habarjeclo, mana jirto wax uu ka darsaday xildhibaanadaa, mana soconayso igu sawir iyo faceboog ciyaal kugu ammaanan taasoo ah ammaan been oo aan waxba ka jirin.
Wasiirnimadii Maxamuud Xaashi
Hoggaaminta Maxamuud Xaashi waa la soo arkay waana la soo tijaabiyey bulshadana kuma cusba Maxamuud Xaashi waa kii wasiirka awooda badan ahaa keli ah waxaa lagu xasuustaa oo keli ah musuq-maasuq iyo maamul xumo, boobkii ugu badnaa waxaa uu dalka ka dhacay markii uu Maxamuud Xaashi ahaa Wasiirka Madaxtooyada sidoo kale waqtigaas uu Maxamuud Xaashi wasiirka ahaa dalka waxaa ka dhacay maamul xumo, musuq-maasuq iyo nidaamkii dowladnimo oo la burburiyey.
Bulshada somaliland waxay ogtahay Maxamuud Xaashi shaqsiyadiisa waxaana uu caan ku yahay shaqsiga ugu musuqa badan, maantana mar labaad bulshada kama iibin karo maxamuud xaashi been horey ayaa loo soo arkay hogaamintiisana waa la soo tijaabiyey, keli ah maxamuud Xaashi waxaa uu ka fekerayaa sidii uu mar kale u heli lahaa jaanis uu wax ku boobo,taasi maaha mid dhacaysa dadkuna way ku barteen.
Maxamuud Xaashi Ma Kulmiyaa Mise Waa Mucaarad
Maalmahan soo socda ayanu kala ogaan oo warku soo bixi doonaa Maxamuud Xaashi xisbiga uu yahay, balse waxaan aamisan ahay in aanu maxamuud Xaashi Kulmiye ahayn, balse uu xidhan yahay shaadh mucaarad halka uu xisbiga Kulmiye ula joogo dibin-daabyo cad.
Hadaba waxaan odhan Maxamuud Xaashi warkaagu maalmahan ayuu soo bixi doonaa oo bulshadu maqli doontaa waxaad tahay, "MACALCUNE SOO BIXI DOONEE”.
Cabdraxmaan Cabdillaahi Xasan, Hargeisa, somaliland
Leave a comment |
|
Maxamuud Xaashi Ma Kulmiyaa Mise Waa Mucaarad?. Qalinkii Cabdraxmaan Cabdillaahi Xasan.
Maxamuud Xaashi Ma Kulmiyaa Mise Waa Mucaarad?. Qalinkii Cabdraxmaan Cabdillaahi Xasan.